Wasiirka Waxbarashada Puntland oo ka qaybgalay xaflad qallin jabin ah oo dhigteen ardayda reer Puntland ee waxka barta dalka Ethiopia

 09/08/2014, Xaflad si wayn loo soo agasimay oo ka dhacday Hotelka Alexanderia ee magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa loo qabtay ardaydii sanadkaan ka qallinjabisay  jaamacadaha kala duwan ee dalka Ethiopia.

Xafladda oo ay ka soo qaybgaleen  marti sharaf ka-kala socotay Dowladda Ethiopia, Dowladda Puntland, jaaliyadda Puntland ee dalka Ethiopia, ganacsato iyo qaar kamida shacab waynha Puntland ee ku nool dalkaas,

Ardayda sanadkaan qallin jabisay oo tiradoodu ahayd 54-arday ayaa isugu jiray Gabdho iyo Wiilal kuwaas oo  ka-kala qallinjabiyey jaamacaadka kala duwan ee Wadanka Ethiopia ayagoo ardaydaasi ay diyaariyeen kulliyadaha kala ah: Public Health,Laboratory, Pharmacology, Bussines Administration ‘( Human Resource and Management iyo Accounting ), Sociology, Leadership and Management,  iyo kulliyadda Siyaasadda gaar ahaan maadada Global Study and International Relationship.

Waxaa goobta hadalo kala duwan ka soo jeediyey marti sharaftii ka soo qaybgashay, waxaa dadkii goobta ka hadlay kamid ahaa qunsulka Dowladda Puntland dalka Ehiopia u jooga Mahamed Farah, qunsulka ayaa ardaydii qallinjabiyey kula dar-daarmay inay waxbarashadooda uga faaideeyaan dalkooda.

Guddoomiyaha ardayda Puntland ee dalka Ehiopia Bashiir Muuse oo goobta qudbad ka soo jeediyey ayaa  warbixiyey  isku-xirnaanshaha ardayda Puntland ee Dalka Ethiopia , jaamacadaha ay dhigtaan iyo heerka tacliinta ee ardayda Puntland ee waxkabarata wadankaas.

Jaamac Hassan oo ahaa  guddoomiyihii ardayda qallinjabisay ayaa ka warbixiyey hababkii kala duwanaa ee ay soo martay qabashada xafladdan ballaaran asagoo  halkaa uga mahad celiyey Jaaliyadda Puntland ee dalka Ehiopia sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qaateen qabsoomidda xafladda qallinjabintooda, guddoomiye Jaamac ayaa sidoo kale goobta ka muujiyey dareenka ardayda qallinjabisay isagoo ku tilmaamay inay maantay u tahay maalin agtooda kuwayn ugana mahad celiyey  dhamaan waalidiintii sida hagar la’aanta ah ugu taageeray inay gaaraan hamigooda nololeed ee waxbarasho.

Wasiirka waxbarasha iyo barbaarinta Dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame oo ardayda qallinjabinaysa kala qayb galay xafladooda qallinjabinta ayaa goobta ka soo jeedieyy qudbad dhinacyo badan taabanaysay oo ku saabsanayd muhiimadda ay waxbarashadu leedahay qofka iyo dalka, wasiirka ayaa qudbadiisa ugu hambalyeeyey  ardayda qallinjabisay isagoo sheegay  inay  u tahay farxad wayn, wasiirka ayaa sidoo kale kula dar-daarmay ardayda qallinjabisay inay aqoontooda dib ugula laabtaan dalkii si ay uga faa’ideeyaan dadka iyo dalka, dhinaca kale wasiirku waxa uu dar-daaran dheer u jeediyey ardayda hadda ku guda jirta waxbarashada ee aan wali qallin jabin asagoo u sheegay inay hamigooda ka mira dhalliyaan sida saaxiibadooda cawa halkaan ay farxadda kula wadaagayaan ayna iska ilaaliyaan waxyaabaha caqabadaha ku ah waxbarashada oo ay kamid tahay Qaadka iyo Tahriibka.

Wasiirka Waxbarashada iyo barbaarinta Puntland  Cali Xaaji Warsame ayaa ugu danbayntii goobta ka bixiyey shahaado sharafeedyo kala duwan kuwaas oo uu siiyey  ardaydii qalinjabisay , qaban-qaabiyaashii xafladda iyo  ganacsatadii ka qayb qaatay qabsoomidda xafladaas gacanwayn ka gaystay.

Xafiiska wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta dowladda Puntland.

Daawo Sawiradda.

IMG-20140809-WA0020

IMG-20140809-WA0017

 

IMG-20140809-WA0038

 

 

IMG-20140809-WA0026

 

IMG-20140809-WA0030

 

IMG-20140809-WA0019IMG-20140809-WA0014IMG-20140809-WA0013IMG-20140809-WA0012IMG-20140809-WA0009IMG-20140809-WA0010IMG-20140809-WA0008IMG-20140809-WA0031IMG-20140809-WA0027IMG-20140809-WA0028IMG-20140809-WA0024IMG-20140809-WA0023IMG-20140809-WA0025IMG-20140809-WA0021IMG-20140809-WA0022

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top