kuliyadda Tababarka Macalimiinta ee GTEC waxaa ka qalan jabiyey macalimiin tiradoodu gaarayso 227 Macalin.

Saacado kooban oo qiimahoodu aad u sarreeyey, qof daawaday mooyee aanan qof kaleba loo sifeyn kareyn, ayaa ka dhacay qayb ka mid ah gudaha Kulliyadda Tababbarka Macallimiinta ee GTEC ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay ka dhacaysay xafladda qalinjebinta dufcadda 7aad ee kulliyadda sannadkan 2020ka.
Ugu horrayn, waxaa xafladda lagu furay aayado Qur’aan ah, kadibna waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay, oo xafladda furay maamulaha Kulliyadda Waxbarashada ee GTEC, Cabdiraxmaan Shiikhdoon. Waxa uu qof walba oo madasha fadhiyay kusoo dhaweeyey mansabkiisa. Soo dhawayn kadib, Shiikhdoon waxa uu warbixin kooban ka bixiyey macallimiinta halkaas maanta ku qalinjebinaysay oo tiro ahaan dhammaa 527 arday/macallin.
Macallimiintaas ayaa isugu jiray laba qaybood:
1. Macallimiin iyaga oo shaqada macallinnimo kujiray haddana tababbarka macallinnimo qaadanayay (In-service Teacher Training).
2. Macallimiin aan wali shaqada macallinnimo bilaabin, balse diyaar u ah hadda in ay shaqadaas qabtaan (Pre-service Teacher Training).
Shiikhdoon ayaa ardayda madasha uga hambalyeeyey, waxaa kale oo uu Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland uga mahadceliyey kaalintii mugga lahayd ee ay ku lahaayeen ardaydan macallimiinta ahi in ay maanta halkan soo gaadhaan.
Shiikhdoon waxa uu, intaas kadib, ka sheekeeyey taariikhda GTEC oo uu sheegay in la asaasay kulliyadda 13kii November 2005, illaa maalinkaasna ay kuliyaddu soo saaraysay macallimiin sannad walba qalinjebinaysay, wax badanna ka taray waxbarashada Puntland iyo Soomaaliyaba.
Waxa uu maamuluhu kula dardaarmay macallimiinta qalinjebinaysay in ay kaalintooda gutaan oo ay ubadka Soomaaliyeed jahliga kala dagaallamaan, ayna tababbarka macallinnimo ee ay qaateen uga faa’iideeyaan ubadka yaryar ee soo koraya ee waxbaranaya, oo ay tayada waxbarashada dalka wax wayn ka beddelaan.
Waxa uu Shiikhdoon Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare (WWTS) ee Puntland kula dardaarmay in ay macallimiintaas cusub ee qalinjebiyey ay ka shaqaalaysiiyaan iskuullada Puntland.
Waxaa hadalka qaatay maamule-ku-xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika, faraceeda Garowe, mudane Cabdiraxmaan Bandiiriye.
Bandiiriye ayaa ardayda isaguna dhankiisa u hambalyeeyey kulana dardaarmay ardayda macallimiinta ahi in aysan ka leexan wixii ay barteen oo ay ardayda wax u baraan sidii iyagana wax loo baray.
Wuxuu Bandiiriye sheegay in waxsoosaarka GTEC uu ka muuqdo dalka, oo macallimiintii GTEC ka qalinjebiyey ay ka muuqdaan dalka, wax badanna ay ka beddeleen waxbarashada dalka. Waxa uu Bandiiriye sheegay in isaguba uu kamid yahay ardaydii macallimiinta ahaa ee GTEC ka qalinjebiyey, uuna ku faraxsan yahay, isaga oo Jaamacad wayn ka socda oo metelaya, in uu maanta GTEC joogo.
Waxa uu Bandiiriye sheegay in Wasaaradda Waxbarashada laga doonayo in ay ka faa’iidaysato macallimiintan oo ay ka shaqo galiso iskuullada, meeshana laga saaro macallimiinta aan tababbarnayn ee iskuullada iska fadhiya.
Intaas kadib, waxaa hadalka qaatay Professor Maxamed Xasan Cusmaan.
Barafasoorka ayaa u hambalyeeyey ardayda, sidoo kalena uga mahadceliyey GTEC, Wasaaradda Waxbarashada iyo dawladda Puntland-ba sida ay ugu hagarbexeen macallimiintan maanta qalinjebinaysa.
Waxa uu Prof. Maxamed Xasan jeediyey khudbad qiiro lahayd runtii, taas oo markii dambe ka ilmaysiisay isaga iyo boqollaal qof oo kale oo goobta joogay.
Maxamed Xasan waxa uu bare sare ka ahaa xarumo waxbarasho oo ku kala yaal dalka iyo dibaddaba, gaar ahaan Maraykanka oo uu waayadii dambe bare jaamacadeed ka ahaa.
“Adeerayaal, qalinjebiyeyaashoow, u hiil baxa ubadka la idiin tababbaray in aad wax bartaan. Noqda kuwo ilmaha jahliga kala dagaallama oo duruus waxtar leh siiya. Haddii aydaan sidaas yeelinna, waligeen hoos baynu jiraynaa, horayna u dhaqaaqi mayno. Qofku marka uu tacliin helo waxa uu ka baxayaa gumeysiga. Jahliguna waa gumeysiga ugu xun ee adduunka ka jira, in uu ubadkeennu ka baxo gumeysigaasna idinka ayaa la idiin xilsaaray. Wax bara ubadka, ha dilinina, ha eryina, ha huruufina, ha bahdilina, ee wax bara” ayuu yiri Barafasoor Maxamed, isaga oo ilmada ceshanayey.
“Maandhooyinoow ciil baan qabaa!! Ciilka aan qabo waxa uu yahay adduunkii baynu ka harnay, dugaag baynu noqonnay. Maraykan baan ku noolahay, waa nalaga faanaa oo ‘Uf’ baa nala yiraahdaa” ayuu kusii daray hadalkiisa Prof. Maxamed, isaga oo markii dambe ilmada ceshan waayay.
Mar qura ayay shucuurtu is wada beddeshay, oo boqollaalkii xafaladda joogay ay la ilmeeyeen Prof Maxamed Xasan.
Waxbarashada ayuu sheegay in ay tahay waxa kaliya ee aynu ku hormari karno oo aynu adduunyada kula tartami karno Prof. Xasan.
Qalinjebiyeyaasha ayuu u sheegay Prof. Xasan in ay waanadiisa qaataan oo ay ubadka wax baraan, si aynu horumar dhan walba ah u gaadhno. Khudbaddiisa ayaa lagu sheegi karaa tii ugu saamaynta badnayd ee saaka goobta laga jeediyey.
Waxa uu ku adkeeyey in aysan seexan ee ay dalkan usoo jeedaan si aan u helno dhakhaatiir, injineerro, kuwo warshadaha ka shaqeeya oo dalka warshado ka hirgeliya.
Maxamed Xasan waxa uu beddelay gabi ahaanba jawigii xafladda.
Markii uu kalmaddiisa dhammaystay Prof. Xasan, ayaa waxaa u istaagay boqollaalkii qof ee xafladda kasoo qaybgalay, iyaga oo sharfaya una sacabiyey Prof-ka.
Masuuliyiintii kale ee madasha ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Cabdiwali, oo hayada UNICEF ka socday, xildhibaan Cawaale oo isaguna katirsan golaha baarlammaanka Puntland, ahaana bare ka tirsanaa GTEC,
iyaga oo u hambalyeeyey ardayda, kulana dardaarmay inay waxa ay barteen dadka ku anfacaan.
Kahor inta aysan masuuliyiinta Wasaaraddu xafladda soo xirin, ayaa waxaa shahaadooyin sharaf la guddoonsiiyey qaar kamid ah ardayda qalinjebisay iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen guddigii xafladda qurux badan qabanqaabiyey.
Intaas kadib, waxaa makarafoonka la wareegay Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo Tababbarka Macallimiinta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Cabdullaahi Axmed. Waxa uu Agaasimuhu sheegay in ay farxad tahay in macallimiintii laba sano kahor soo bilaabay tababbarkan macallinnimo ay maanta qalinjebinayaan. Waxa uu u sheegay macallimiintu in ay shaqo adagi sugayso oo laga doonayo in ay u dhabaradaygaan.
Waxa uu ballan qaaday in macallin aan tababbarnayni uusan ka shaqayn doonin dugsiyada waxbarashada.
“Wasaaraddu waxa ay ku hawlan tahay in ay samayso barnaamij la yiraahdo Teacher Profession Test, oo ah in macallimiinta shaqaynaysa kulligood imtixaan laga qaado, oo qof aan macallinnimo u qalmin uusan macallin sii ahaan doonin, si aad idinku (qalinjebiyeyaasha) fursad u heshaan. Meelaha ugu daran oo hadda ay macallin la’aantu ka jirto waxaa ugu badan tuulooyinka, waxaa la idinka rabaa in aad naf-hur samaysaan, oo aad tuulooyinka kasoo shaqaysaan” ayuu Cabdullaahi u sheegay macallimiinta.
Agaasimaha ayaa makarafoonka kusoo dhaweeyey Wasiirdawlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble.
Rooble ayaa dhammaan kasoo-qaybgalayaasha salaamay, isaga oo si gaar ah u salaamay Professor Maxamed Xasan Cismaan, oo uu ku tilmaamay macallinka macallimiinta. Waxa uuna qalinjebiyeyaasha kula dardaarmay in ay Professor Maxamed Xasan oo kale noqdaan.
Gabdhaha ayuu si gaar ah farta ugu fiiqay Wasiirku, isaga oo sheegay in laga doonayo in ay qaataan kaalintooda barbaarinnimo iyo macallinnimo.
“Wixii maanta ka horreeyey waxaad haysateen qalin iyo buug, waxaa idin hor taagnaa macallin aad wax ka baranaysaan, waxaa idin hor yaallay imtixaanno aad doonayseen inaad ka gudubtaan. Maanta waxa aad diyaar u tihiin in aad macallinkaas noqotaan oo ardaydu idin dhegaysato, arday baa hortiinna iman doonta, maanta arday baad ahaydeen, barri hoggaamiyeyaal ayaad noqon doontaan. Waxaan hubaa in maalmihii aad wax soo baranayseen aad kala jeclaydeen macallimiintii wax idinsoo barayay, in ay jireen kuwo la xuso, oo aan waligood maskaxdaada ka bixin, in ay jireen kuwo aad islahaydeen maalin uun yaa iyaga oo kale noqda, in ay jireen kuwo aad islahaydeen malaha macallinnimada kuma fiicnayn. Maanta idinka ayaa halkii isasoo taagaya, waxaan rajaynaynaa in aad noqotaan macallin wanaagsan oo aysan ardaydu illaawin ee maskaxdoodu mar walba xasuusato” ayuu Rooble hadalkiisu ku sheegay.
Macallinka ayuu sheegay in uu ajar iyo sumcadba ka helayo shaqada uu hayo. Faa’iidada saddexaad ee uu macallinku helayo, ayuu Wasiir Rooble sheegay in ay tahay in aqoonta macallinku kobcayso, oo uu mar walba cilmibaaris badan samaynayo.
Waxa kale oo uu sheegay Wasiir Rooble in macallimiinta dugsiyada wax ka dhiga ay kaliya 23% haystaan shahaadada macallinnimo, taasna aysan aqbali doonin Wasaarad ahaan, oo uusan macallin ahaan doonin qof aanan shahaado haysan.
Khudbadda Wasiirka oo aad u qiima badnayd, ayuu ugu dambayn kusoo xiray duco iyo hambalyo uu ardayda iyo waalidkaba u jeediyey.
Ugu dambayn, waalidka iyo ehelka ayaa macallimiintooda qalinjebinayey guddoonsiiyey hadiyado ay ugu talogaleen qalinjebiyeyaasha, iyada oo xafladdiina lagu soo afmeeray jawi farxadeed oo leh madadaalo iyo maamuus.
Halkaas ayay kusoo dhammaatay xaflad agaasinkeedu aad u sarreeyey oo qiimeheeda aan lasoo koobi karin, oo la oran karo waa mid kamid ah xafladaha ay dhifka tahay in iyada oo kale la arko.
1

2

4

6

7 - Copy (2)

7 - Copy

7

8

9

11 (2)

11

13

15

16

17

18

19

20

21

23

24

25

26

27

28

29

30

31

32

33

34

35

36

37

39

40

41

42

43

45

46

47

52

53

54

57

Scroll to Top