Bari Photos

Wasaaradda Waxbarashada oo kormeer ku Tagtay dugsiyada sare public boosaso iyo Imaamu Nawaawi boosaso.

Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa kormeerkooda ugu kuurgalayay habsami u socodka Waxbarasho ee Xarumaha Waxbarashadda ee ka hawlagala magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wasiirada oo ku horeeyay Dugsiga sare ee Boosaaso ayaa waxay soo
dhoweyn balaaran kala kulmeen Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda‘’Bosaso Public Secondary School’’
Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Prof. Abshir Yuusuf Ciise oo la hadlay Ardayda Wax ka barata Dugsiga sare ee Boosaaso ayaa ku dhiiri geliyay inay dalka iyo dadka Wax-u-bartaan,isla markaana ay ku dadaalan sidii ay uga Mira dhalin lahaayen hankooda Waxbarasho.

Prof. Abshir Yuusuf Ciise ayaa Ardayda u sheegay inay ka go’an tahay inay Wasaaradda Waxbarashada ay hormariso tayada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr. Maxamed Cali Faarax oo la hadlay Ardayda ayaa Ardayda ku dhiiri galiyay inay ku tartamaan
Waxbaarshada,taasi oo ah mida lagu qiimaynayo Ardayga.

Intaasi ka dib ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay Kormeer ku tageen Dugsiga Imaamu Nawawi waxayna indha-indheeyeen hannaanka ay Wax-u-baranayaan Ardaydu.

Wasiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa ujeedadooda socdaalkooda ay tahay inay u kuurgalaan Habsami u socodka Waxbarashada,tayada iyo Baahiyaha jira.

Hoos ka Daawo Sawiradda

IMG_0363IMG_0360IMG_0364IMG_0345 IMG_0344 IMG_0380 IMG_0364 IMG_0405 IMG_0401 IMG_0399 IMG_0397 IMG_0395 IMG_0355 IMG_0307 IMG_0308 IMG_0314

IMG_0397 IMG_0405 IMG_0364 IMG_0391 IMG_0355 IMG_0354 IMG_0351 IMG_0393 IMG_0356 IMG_0357 IMG_0360 IMG_0363 IMG_0391 IMG_0374 IMG_0372 IMG_0371 IMG_0316 IMG_0317 IMG_0410 IMG_0419IMG_5252 IMG_0457 IMG_0452 IMG_0449 IMG_5321 IMG_5310 IMG_5308 IMG_5262 IMG_5338 IMG_5328 IMG_5326 IMG_5325 IMG_0380 IMG_0341 IMG_0344 IMG_0345

Scroll to Top