ESC

             

 

  Dawlada Puntland e Soomaaliya

  Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee

 

   Warbixinta Waxqabadka

 

 

Lixda Bilood (Janaayo ilaa Juun 2015)

 

 

 

Horudhac

  • Wasaaraddu waxay ka kooban tahay 9 waaxood iyo 4 qaybood.
  • Tirada shaqaalaha ee wasaaradda ayaa ah 172 qof oo ka hawl gala xarunta dhexe ee Wasaaradda, heer gobol iyo heer degmo,
  • Tirada Macalimiinta wax ka dhiga goobaha waxbarashada Puntland waxay dhan tahay 5,705
  • Goobaha Waxbarasho ee wasaaraddu maamusho ayaa gaaraya ilaa 829 goobood, kuwaas oo isugu jira dugsiyo Hoose/Dhexe, Sare, Farsamada Gacanta,Waxbarashada Dadban iyo Tacliinta Sare.
  • Tirada ardayda wax ka barata dhammaan xarumaha waxbarashada Puntland ay yihiin 180,294 arday (Xogta Waxbarashadda (EMIS), 2015).

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tababarka Macalimiinta

Tababarrada ay wasaaraddu qabatay Lixdii bilood (Janaayo – June 2015) ee lasoo dhaafaay waxay isugu jiraan kuwo wakhti kooban iyo wakhti dheerba leh.

 

  • Tababarka maamulka, Gudoomiyayaasha Waxbarashada ee heer Gobol iyo heer degmo (169 Maamule)
  • Tababarka Guddiga waxbarashada Dugsiga (Qorshaha Horumarinta Dugsiga)… 168 qof
  • Waxaa la tababaray 438 macalin
  • Diyaarinta Manhajka tababarka macalimiinta dugsiyada sare (16 macalimiin khibrad durugsan u leh maadooyinka)
  • Macalimiin dhammaystay tababar soconayey laba sano …75

 

 

 

 

 

 

 

 

Farsamada Gacanta

Waaxda Farsamada Gacanta waxay ku guuleysatay in ay wax ka qabo waxyaabaha ku muujisan shaxda hoose;

 

 

 

  • Tababarka maamulka iyo macallimiinta (32) waxaa dib-u-eegid lagu sameeyay manhajka maadooyinka waxaana lagu daray sida looga hortago khilaafka
  • Diiwan galinta ardayda barata Farsamada Gacanta (300 oo arday)
  • Qiimeynta xarumaha farsamada Gacanta (4 xarumood)
  • Xarunta farsamada gaanta Garowe ayaa laga qaday 150 arday
  • Shirka wacyigalinta iyo bandhigga wax soosaarka xarumaha farsamada gacanta (In badan 250 qof oo ay ku jiraan saddexda golle ee dawlada Puntland)

 

 

Waxbarashada Tooska ah

 

Waaxda Waxbarasahda Tooska ah waxay ku guulaysatay inay wax ka qabato waxyaabaha shaxda hoose ku xusan;

 

  • Waxaa loo sameeyay Qorshaha Hormarinta Dugsiyada (55 Dugsi Hoose/dhexe iyo 40 Dugsiga Sare)
  • Waxaa la tababaray Gudiyada Waalidiintada dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare (280 Hoose/Dhexe iyo 245 Dugsiyada Sare)
  • Qaybinta buugaagta muqararka dugsiyada sare (2227 buug) Buugaagta Diiwaangelinta
  • Waxaa la qaybiyey 3,450 buug ah ayaa loo qaybiyey 241 dugsi oo Hoose/DHexe ah.

 

 

 

 

 

Horumarinta Waxbarashada Gabdhaha

Waaxda kobcinta waxbarashada gabdhaha ee Wasaarada Waxbarashada waxaa la asaasay 2011, ujeedooyinka loo asaasay waxaa ka mid ah in kor loo qaado lana kobciyo waxbarashada gabdhaha heer gobol iyo heer degsmo. Isla markaasna la helo fursad waxbarasho oo wiilasha iyo gabdhuhuba u siman yihiin.

 

 

  • Waxaa kharashka Waxbarashada laga bixiyaa 865 gabdhood oo ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.
  • Waxaa 40 qof oo waxbarshada ka shaqeeya la qabtay tababar ku saabsan waxbarshada iyo baahiyaha gaar ka ah ee gabdhaha oo soconayey shan maalmood
  • Waxaa bil walba kormeer lagu samaynayey dugsiyada si loola socdo Waxbarashada gabdhaha gaar ahaan kuwa ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee la siiyo deeqda waxbarasho
  • Waxaa la sameeyey qorshaha ku saabsan Waxbarashada gabdhaha iyo baahiyohooda
  • Waxaa loo qaybiyey gabdhaha qalab gaar u ah si ay waxbarashadooda wataan

 

 

Kormeerka, Tayo-dhawrka iyo Manhajka Waxbarasahada

 

Horumarinta hawlaha manhajka

  • Waxaa la diyaariyey qaabdhismeedkii manhajka oo lagu daray talooyinka dhamaan dadka daneeya Waxbarashada
  • Waxay la qabtay shirweyne qaran oo talo-wadaag iyo ansixin ah, halkaasna waxaa lagu ansixiyay manhajkii Puntland.
  • Tababar carbis ah ayaa la siiyay 70 dhallinyaro ah markii labaad si ay dib ugu celinayaan xogtii barnaamijkii u Qareemidda Nabad dhisidda ee Manhajka
  • Waxaa la diyaariyey dhammaan agabkii iyo wixii xog ah ee loo baahnaa si loo qoro Muqararka isla markaasna waaxdu waxay diyaarisay qorshihii Manhajka iyo sharuudaha laga rabo qoraayaasha muqararka iyo la taliyeyaashii barnaamijka daadaheyn lahaa.

 

Kormeerka dugsiyada dalka

  • Waxaa kormeer  buuxa lagu sameeyey 170 dugsi iyo xarumo waxbarasho oo kala duwan
  • Waaxdu waxay diyaarisay oo dajisay shuruudihii haggi lahaa diiwaangelinta dugsiyada isla markaasna waxay samaysay waxay jaangoysay habka diiwaangelinta dugsiyada wax lagu barto ee dalka.

 

Quudinta dugsiyada

Qaybta quudinta dugsiyada waxay sii waday taageeradii ay gaarsiinaysay dugsiyada 173 dugsi oo hoose iyo dhexe (tirada ardayda ka faa’iideysata barnaamijkaan tiradoodu waxay dhan tahay 58,141 arday (24,820 gabdhood).

 

       

        

        

 

 

Imtixaanaadka Dugsiyadda Hoose/Dhexe iyo Dugsiyadda Sare

 

Xafiiska imtixaamaadka waxaa la asaasay sanadkii 2003, wax yaabaha loo asaasay xafiiskan waxaa ka mid ah in la qiimeeyo ardayda fasalada 12aad iyo 8aad, kaas oo lagu hubinaayo tayada waxbarashada iyo heerarka ay marayso.

 

         

                                  

 

Dajinta Imtixaanka

  • Waxaa la dajiyay dib u habayna lagu sameeyey imtixaanka fasalka 12aad iyo fasalka 8aad (70 macalin)

Xog Aruurinta Iyo Diiwaan Galinta Ardayda F12 Iyo F8

  • Waxaa la tagey dhammaan gobalada iyo degmooyinka Puntland
  • waxaana lasoo sawiray ardayda ka qayb galaysa imtixaanka 2015.
  • Waxaa lasoo diiwaan galiyay 2820 oo F 12 iyo 7250 Wadartooda waa 10070
  • Qorshaynta xarumaha iyo waraaqaha xaadirinta ardayda

Tababarka kormeerayaasha iyo Ilaaliyayaasha

  • waxaa tababar loo qabtay kormeerayaasha imtixaanka F 12aad iyo F8aad iyo Ilaaliyayaasha F 12aad (280 macalin)

Qaaditaanka imtixaanka

  • imtixaanka waxaa laga qaaday xarunta wasaaradda waxaana la geeyay dhammaan goobihii loo asteeyey in imtixaanku uu ka dhaco.
  • Madax weynaha ayaa ka furay imtixaanka magaalada boosaaso xarunta BOSASO PUBLIC.
  • Madax weyne ku xigeenka yaa ka furey caasimada Garowe gaar ahaan xarunta AL-WAHA
  • Markuu dhammaaday imtixaanka waxaa lagu sooo celiyey wasaarada dhexe

Sixitaanka Imtixaanka F12

  • Waxaa la saxay oo la soo bandhigay natiijadii imtixaanaadka dugsiyada sare

 

 

 

       

 

Tacliinta Sare

 

  • Tababaro ku saabsan habaynta iyo fulinta manaahijta tacliinta sare oo la siiyey 17 qof oo ka kala socday jaamacadaha dalka
  • Dejinta nidaamka wada shaqaynta macaahida
  • Diiwaan gelinta jaamacadaha iyo macaahida dalka
  • Dhammaystirida Siyaasada Tacliinta Sare
  • Kormeer lagu sameeyay xarumaha tacliinta Sare ee Gobolka Mudug
  • Diyaarinta ardayda deeqaha waxbarasho heshay
  • Ka qayb galka shirarka horumarinta arrimaha waxbarashada
  • Safar shaqo iyo khibrad kororsi – dalka Rwanda
  • Hirgelinta iyo adeegsiga maktabada casriga ah ee elekronic (eGranery)

 

 

 

 

 

 

 

Siyaasada iyo Qorshaynta

                   

 

  • Waxaaa la qabtay dhirweynaha dib u eegista ee Waxbarashada
  • Waxaa la dhamaystiray siyaasada waxbarshada dadban, Waxbarashada Gabdhaha iyo waxbarshada reer guuraaga.
  • Buugii xogta Waxbarashada waa diyaar kaliya waxaa u dhiman in qiimayn lagu sameeyo dabadeed la daabaco
  • Waxaa la asaasay guddiga wada shaqaynta arimaha habka xog ururinta iyo falaqaynta (EMIS TWG).
  • Tababar shaqaalaha waaxda qaar ka mid ah;
    • Qaabka uu u shaqeeyo EMIS iyo waxyalaha loo adeegsado.
    • Ururinta Xogta Waxbarashada
    • Falaqaynta xogta
    • Qaybinta xogta

Shaqada iyo Shaqaallaha

  • HR waxay ka qayb gashay soo xulitaanka 15 xubnood oo deeq waxbarsho ka helay dalka Ethiopia (15 wasaaradood)
  • Waxaa lasameeyay Xog kaydiye( DATABASE) kaas oo lagu kadinaayo xogta dhammmaan shaqaalaha wasaarada

 

 

Waxbarashada Dadban

 

  • Waxaa guno dhiirigelin ah loo qoray 26 macalin halka markii hore ay ka ahayd 136
  • Waxaa dayac tir lagu sameeyay musqulaha iyo berkadaha saddex xarumood ee ku kala yaal degmada Garoowe, Badhan iyo Dhahar.
  • Waxaa agab waxbarasho la siiyay 7 xarumood oo ku kala yaal gobolada Cayn, Sool iyo Nugaal.

 

 

 

Scroll to Top