Formal Education

– Agaasiamha Waaxda Waxbarashada Tooska ah ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo kormeer ku tagtay Magalada Galkacayo.

5/Dec/ 2017- Agaasimaha waaxada Waxbarashada Tooska ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Murwo Maryan Jaamac Xuseen oo kormeertay xaaladda guud ee waxbarashada Gobolka Mudug Gaar ahaan Magalada Galkacayo, kormeerkaa oo ay ku tagtay qaar ka mid ah iskuulada Magaaladd Gaalkacyo. Sida Iskuulada kala ah Dugsiga sare ee faca wayn ee Cumar Samatar, iyo Dugsiga Hoose dhaxe ee Saalaamo iyo Dugsiga hoose dhaxe ee Barkhadle.

Agaasimaha oo weheliyaan Gudoomiyaha waxbarashada Degmada ee magalada Galkacayo Cali Cabdisahal iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi iyo kormeerayaasha Waxbaarshada Gobolka iyo dagmada Gaalkacyo, ayaa waxaa ay la hadleen qaar ka mid ah ardaydii Iskuuladaas, kuwaas oo fursad loo siiyey in ay su’aalo waydiiyaan Agaasimaha, waxaana ay waydiiyeen su’aalo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, in wasaaraddu Qorsheyaal gaar ah u samaysay Magaaladda Gaalkacyo Waxbarashadeda.

Agaasimaha Waxaada Waxbarshada ayaa waxaa uu ardayda Dugsiyada sare kula dardaarmay, in ay ahmiyad siiyaan waxbarashada sare ee gudaha, maadaama haatan ay kor u kacday tayada waxbarashada sare ee Dalku, waxaase uu dhiiri galiyey in ay ardaydu dalka iyo Dibadda kii ay helayaanba ay kusii wattaan waxbarashadooda Dalka.
Agaasimaha Waxaada Waxbarashada Tooska ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sre ayaa la kulmay qayb ka mid ah maamulayasha iskuulada Degmada Galkacayo isgaga iyo Gudooimiyaha Waxbarashada Degmada iyo Gobolka.

Ujeedada kormeerka Agaasimaha Waxaada Waxbarashada Tooska ah Maryan Jaamac Xuseen ayaa rabatay inay ogaato habsimi socodka xaladaha Waxbarshada degmada Galkacayo iyo inay soo ogaato baahiyaha khaaska ay u bahanyihiin Dugsiyada qaybtood.

Agaasimaha Waaxada Waxbarshada Tooska ah Marwo Maryan jaamac Xuseen ayaa kormeero kala duwan ku tagtay Gobolada Nugaal  mudug iyo Sool,

mudadii Xafiiska Waxbarashada Tooska ah ay haysay.

f 2 3 4 5

 

Wasaaradda Waxbarashasda iyo Tacliinta sare oo Tababar seddex Maalmood u soo xirtay Qayb ka mid ah shaqaalaheeda Xarunta dhexe.

26/11/2017- Tababarkaan ayaa waxaa loo qabtay shaqalaha Wasaaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntland waxaana uu ku saabsanaa Maaraynta Musiibooyika Waxbarashada waxaana uu kamid yahay mashruuca Waxbarashada deg deg ah   oo Wasarada iyo  hay’addaha kala ah Save The Children  iyo UNECEF bahwadaag ku yihin.

Agaasimaha Waaxda Waxbarshada Tooska ah Murwo Maryan Jaamac Xuseen ayaa waxaa ay sheegtay tababarkaan uu kaabayo mashruuca Emergancy Education oo ah mashruuc deegaanka lagu ilaaliyo waxaana masuuliyiinta labarayay qaabka ay xalin karaan khilaafaadka ka shaqaynta  Dugsiyadda.

Murwo Maryan Jaamac Xuseen ayaa waxay sheegtay in shaqaalaha tababarka qaadanaya in looga bahan yahay in casharadaan ku shaqeeyaan madama wasaaradu  shaqalaheeda shaqada lagu Tabbabaray macluumad badan oo faaiido u leh waxtarka waxbarashada..

Wasaaradda Waxbarsahada iyo Taclinta sare ee dowlada Puntland aya waxay  gaarsiisay gurmadyo kala duwan loona sameeyo biyo dhaamis iyo cuno la gaarsiiyey Goobaha waxabarsahada ee fog fog.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare C/qaadir Yuusuf Nuux oo Tababarkan 3 maalmood soo xiray ayaa ka hadlay ayaa yiri in la fahmo yaraynta khataraha ku saabsan ama ka dhicikara iskuulada,

Waxaa kalo yiri  waa in la ogaado Muhiimada ay leedahay in caruurta lala yeesho macaamilo toos ah in la sheekaysto lalana fariisto.

In caruurta laga wacyigaliyo khataraha ku imaan kara

In aan iskuul laga dhisin meel aan ku haboonayn oo khatari ka imaan karto.

DSC_0174 DSC_0173 DSC_0171 - Copy DSC_0170 - Copy DSC_0169 - Copy DSC_0168 - Copy DSC_0167 - Copy DSC_0151 - Copy - Copy DSC_0146 - Copy - Copy DSC_0144 - Copy - Copy DSC_0143 - Copy - Copy DSC_0142 - Copy - Copy DSC_0141 - Copy - Copy DSC_0140 - Copy - Copy DSC_0139 - Copy - Copy DSC_0137 - Copy - Copy DSC_0136 - Copy - Copy DSC_0134 - Copy - Copy DSC_0084 - Copy - Copy DSC_0079 - Copy - Copy DSC_0081 - Copy - Copy DSC_0083 - Copy - Copy DSC_0077 - Copy - Copy DSC_0068 - Copy - Copy DSC_0074 - Copy - Copy DSC_0175 DSC_0067 - Copy - Copy DSC_0069 - Copy - Copy DSC_0140 DSC_0137 DSC_0134 DSC_0132 DSC_0123 DSC_0089 DSC_0084 DSC_0083

 

Scroll to Top