Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo bilowday Habka Qiimaynta Waxbarashada Dadka Waawayn.

21/January/ 2017- Waxaa Maanta hoolka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ka furmay shir lagu qiimaynta habka Waxbarashada dadka waayn Waxaana ka soo Qayb galay khuburo Waxbarashada dadka Wayn Aqoon dheeri  u leh.

Waxaa kulankaa furay agaasimaha Waxaada Waxbarashada Dadka waawayn ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare safiyo sugule oo aad uga hadashay ahmiyada ay leedahay waxbarashada dadka waa wayn iydoo ku tix galisay khubradan inay dib u eegan muqaararka Waxbarashada Dadka waawayn.

Waxay sheegatay Safiyo Maamo oo ah  Agaasimaha waaxada inay  ku faraxsan yihiin dadaalada socda ee lagu hormarinayo waxbarashada dadka waawayn  oo uu ku tilmaamay arin muhiim ah oo qeyb weyn ka ah siyaasada waxbarashada Puntland

Iyadoo la tix raacayo nidaamka guud ee Waxbarashada dadka waawayn waxaa la samaynayaa dib u eegista iyo lafo gurida muqararka Waxabarshada Dadka waawayn, si loo eego xiriirka  ka dhaxeeya Waxbarashada Guud ee Puntland iyo Muqararka Waxbarashada Dadka Waawayn.

Ugu danabyntii in la soo saaro hab lagu qiimaynayo Waxbarashada Dadka Waawayn si ay uga suurto gasho  inay ka qayb galaan dadka waxbarashada waawayn.

                                                                Hoos ka Daawo Sawiradda

DSC01373 DSC01316 DSC01317 DSC01318 DSC01319 DSC01320
DSC01323 DSC01324 DSC01325 DSC01326 DSC01327 DSC01328 DSC01329 DSC01330 DSC01331 DSC01333 DSC01334 DSC01335

DSC01339 DSC01370

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top