Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo Booqday Qaarkamida Jaamacadaha Ku Yaala Dawlada Deeganka Soomalida Gaar Ahaan Magaalada Jigjiga Oo Ay Wax Ka Bartaan Qaar Kamida Ardada Reer Puntland

Wafdi uu kamid yahay Wasiirka Waxbarashada Puntland  Mr Abdi Farah Juxa Uuna Hogaaminayay Madaxweynaha Dawlada Puntland Mr Abdirahman Mohamed Faroole oo baryahanba hawla shaqo u joogay Caasimada Dawlada Deegaanka Soomaalida Ee Jigjiga  ayaa booqday qaarkamid jaamacadaha ku yaala dawlada deegaan soomaalida ee magaalada Jigjiga,Waxaana wax ka bartaa jaamacadahaa qaar kamida ardada reer Puntland ee iyagu dhawaatan halkaasi ka helay deeq waxbarasho.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Puntland ayaa booqday xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Guud oo dhismihiisa dhowaan la dhamaystiray, Jaamacadda Jigjiga oo ay dhigtaan kumanaan-kun arday Somali ah, Xarunta Agoomaha ee magaalada Jigjiga, iyo Dugsiga Caafimaadka (Health College), halkaasoo Wasiirku  uu kula kulmay arday Reer Puntland ah oo deeqo waxbarasho ah ka faa’idaysanaya.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top