Wasiirka Waxbarashada oo kormeeraya deegaano ku yaal gobolka Nugaal iyo Dib u dhigis lagu sameeyey xilligii Imitixaanada iskuulada Puntland.

 Wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada waxbarashada Puntland Abdi Faarax Juxaa ayaa bilaabey kormeer ay ugu kuur galayaan waxbarashada iyo baahiyaha kale ee ka jirra deegaano ka tirsan gobolka Nugaal. Wasiirka iyo waftigiisa ayaa gaarey tuulooyin iyo degmooyin ay ka mid yihiin, Birta dheer, Reemanti, Meyla, Laqlaajis,Xasbahale, Dhaganle, Godob-jiraan iyo Degmada Eyl, iyagoo kulamo kula yeeshey bulshada ku nool deegaanadaas.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada oo ka hadlayey Ujeedada Socdaalkooda ayaa ku sababeeyey in uu isugu jirro dhowr arrimood ay ka mid yihiin u kuurgalinta waxbarashada , baahiyaha kale ee asaasigaa ee ka jirra dhulkaasi sida caafimaadka, biyaha, amaanka, iyadoona haatan waftigu ku sugan yahay degmada Eyl, sida lagu wado waftigu wuxuu soo mari doonaa Tuulada Qarxis iyo Degmada Dongoroyo iyo Deegaano hoos yimaada.

Waxaana wasiir juxaa uu sheegey intii uu socdey kormeerkooda ay kulamo la qaateen odoyaasha, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay waftigu kala hadleen in ay usoo gudbiyaan baahiyaha wax laga qaban karro ee jirra,iyadoona goobaha waftigu gaareen laga qeybiyey agabyo waxbarasho sida buugaag , qalimaan iyo IWM.

Dhawaan ayay ahayd markii kormeer waxbarashada Puntland ah uu isna bilaabey agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Puntland Maxamed Abdiwahaab kaasi oo uu agaasimuhu kusoo marey deegaano ka tirsan gobolada Karkaar iyo Bari.

Dhanka kale Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Abdiwahab ayaa saaka laga soo saarey dikreeto wasaaradu ku cadeynayso in muddo isbuuc ah dib loo dhigey xilligii loo asteeyey in ay bilowdaan itixaanada Puntland.

Agaasimaha ayaa ku sababeeyey dib u dhigistaan wasaarada oo bilaabeysa diiwaan galinta iyo tiro koobka macalimiinta wax ka dhiga iskuulada ku yaal Puntland, kuwaas oo loo sameynayo aqoonsi iyo files ku saabsan cadeynta shaqada ay hayaan.

Halkaan ka akhri Dicretada Wasaarada

Dikreetada Wasaarada

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

 

Scroll to Top