Wasiirka Waxbarashada oo daahfuray mashruuca waxbarashada loo dhan yahay

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Cabdullaahi Maxamed Xassan, oo si rasmi ah u daah furay mashruuca waxbarashada loo dhanyahay, ayaa sheegay in Wasaaraddu xoogga saartay sidii aydayda baahiyaha gaarka ah qaba ay ula xuquuq noqon lahaayeen kuwa laxaadku u dhanyahay ee aan qabin baahiyaha gaarka ah.
“Wasaaraddu waxa ay runtii isku-dhabarjabisay in dadka baahiyaha gaarka ah qaba, ha waaweynaadaan ama ha yaryaraadeene, ay helaan waxbarasho ay kala mid yihiin ardayda kale. Maalmaha soo socda ayaan qorshaynaynaa in aan dugsigii labaad oo baahiyaha gaarka ah aan ka hirgelinno magaalada Qardho.

Runtii aad baan usoo dhawaynayaa mashruucan oo ay hayadda Save the children ay inoo keentay ayna ku deeqday dawladda Norway oo aan iyadana halkan uga mahadcelinayno”.

Scroll to Top