Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimha Guud oo kulan la qaatay Maamulka Waxbarshada Gobolka Karkaar.

March\25\ 2018 -Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta sare ayaa sii wada howlaheeda dar dargalinta ee Waxbarshada Dalka iyadoo maanta la kulantay Gudoonka Waxbarashada Gobolka karkaar Maamulyaashooda iskuulada iyo aqoon yahano iyo macalimiinta waxaana looga hadlayay kulankaa Tayeynta Tacliint ubadkeena ee dalka maadaama tirada Ardeyda dhigato iskuulada laga dareemayo kobac aad u balaaran.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali faarax(Farmaryeeri)
Dhaamaan Mas`uuliyiintii kulan ka hadlay ayaa waxay isla qateen loo qabo kor loo qaado tayeynta waxbarashada Gobolka Karkaar

Agaasimha Guud oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinkii laga lahaa kulankaan Maamulka Waxbarashada Gobolka karkaar ayaa ah kor qaadista kartida awooda fulineed ee madaxda xafiiseedyada waxbarashada degmooyinka iyo waliba khabiiradooda islamarkaana loo dardar galin lahaa hawlaha Waxbarshada ee degmooyinka si waxabarashadu u noqoto mid tayo leh. Wuxuuna intaa kudaray Agaasimuhu in tayada waxbarashadu ay kabilaamayso islamarkaana Gudoomiyaasha waxbarashadu degmooyinku ay kuleeyihiin doorka ugu muhiimsan si kor loogu qaado tayada waxbarashada maamul baahina ay samayn doonan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Taclinta sare Prof: Abshir Yuusuf Aw ciise ayaa waxa uu sheegay in Wasaarada Waxbarshada ay ka go’antahay tayenta Waxbashada dalka loogana baahanyahay in Maamulayasha sare u qaadaan Ardayada dhigata Dudsiyada ku yaala dalka.

Wasiirka Waxbarashada oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Maamulka iyo macalimiintan kalasooqaybgalo kulankaan. Wuxuuna xusay wasiirku in Macalimiintu u kuurgalaan tayada ardayga iyo dabagalka casharada iyo baris barasho ee fasalka gudishiisa iyo dibadiisaba. Wuxuuna tilmaamay in sanadkan ku’aadanayeen sidii loo heli laha dhanka manhajka, tayada waxabarashada, iyo waliba in sidii loo baahnaa ay noqoto cashir-diyaairinta macalinku. Iyadoo wasiirku uu kula dardaarmay barayaasha in ay noqdaan barayaal u faaiideeyan ardayda.

IMG_5238 IMG_5231 IMG_5232 IMG_5233 IMG_5234 IMG_5235 IMG_5236 IMG_5237

 

 

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top