Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Puntland oo ka Qayb Galay Xaflad loo dhigay Arday ka Qalan- Jabisay Jaamacada PSU ee Garowe

Garowe. Waxaa  Jaamacadda Puntland State University lagu qabtay munaasibad ay ku qalin jabinayeen in ka badan boqol arday oo soo bartay saddex maado oo ka mid ah daruusta ay bixiso Jaamacadda.

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas)wasiiro,waalidiin,saraakiil ka socda UNSOM ,UNDP iyo madaxda Jaamacadda ayaa munaasibada kasoo qayb galay waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen ardaydda ka qalin jabisay jaamacadda oo heer wanaagsan ka gaaray waxbarashada.

Ugu horayntii Gudoomiyaha Jaamacdda Maxamuud Shiikh Xaamud ayaa waxa uu ka waramay heerarka kala duwan ee ay Jaamacaddu soo martay iyo maanta meesha ay taagan tahay.

ugu horayntii Gudoomiyaha Jaamacdda Maxamuud Shiikh Xaamud ayaa waxa uu ka waramay heerarka kala duwan ee ay Jaamacaddu soo martay iyo maanta meesha ay taagan tahay.

Waxa uu sheegay Maxamud shiikh Xaamid Ardayda maanta qalin jabisay inay gaarayaan 119 oo wiilal iyo gabdho iskugu jira ayna barteen saddex maado oo kala ah.

  1. Shareecadda iyo qaanuunka.
  2. Maamulka iyo maaraynta.
  3. Dhaqaalaha.

Gudoomiyaha Jaamacadda ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay xili kasta sidii umadda Soomaaliyeed loogu soo gudbin lahaa waxbarasho tayo leh oo lagu qanci karo.

Wasiirka waxbarashada   puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay hadda inay ku mashquulsan yihiin sidii loo dhisi lahaa guddiga sare ee tacliinta kaasoo dhismihiisa ay ka wada qayb galayaan jaamacaddaha iyo madaxda wasaradda waxbarashada,wuxuna ardaydda qalin jabisay ku tilmaamay inay yihiin iftiinka dalka.

Miisaaniyadda waxbarashadda loogu talo galay oo gaaraysa saddex dhibic boqolkiiba ayay ardaydii qalin jabisay ka hadleen waxayna sheegeen inay ku yar tahay hase yeeshee loo baahan yahay in madaxwayne Gaas uu kordhiyo.

Qaar ka mid ah masuuliyiin iyo dad kale oo xaflad lagu caasumay ayaa shegay inay laf dhabar tahay waxbarashadda loona baahan yahay dadka Puntland inay aqoon baadigoobaan.

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay ayaa tilmaamay waxbarasho inay muhiim tahay dhankooda aysiiyeen muhiimad ballaaran.

Waxa uu u hambalyeeyay ardayda qalin jabiysay wuxuna ku tilmaamay inay ka dhigan tahay farxad aan lasoo koobi karin maadama xaalada dalka oo aad u hoosaysa in Puntland arday intaaas leeg ay qalin jabiso.

Ardaydda qalin jabisay ayaa qaatay shihaadada koowaad ee jaamacadda waxayna qaarkood oo la hadlay Puntlandpost ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin guusha ay gaareen.

 Ma ahan ardaydii ugu horaysay oo ka qalin jabisay jaamacadda balse waxay kusoo aadaysaa xili waxbarashada sare ee Puntland ay kor usii kacday mudooyinkii lasoo dhaafay.

 
 Waxaa xusid mudan ardaydda qalin jabisay inay ku jiraan labo wasiir oo kala ah wasiirka Cadaalada Ismaaciil,wasiirka howlaha guud Cabdirashiid.

 
 DAAWO SAWARADII JAAMACADA PSU.
 
                                        Deeq Maxamed Warsame 
                                        Wasaaradda Waxbarashadda Puntland
                                        Contact Number+2525743400 
Scroll to Top