Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka.

Garowe: Wasiirka Wasaaaradda Waxbarashada Dawladda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa dib ugu soo laabtay magalada Garowe ka dib markuu shir waxbarashada ku saabsan uu kaga qayb galay magalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Waraysi gaar ah oo uu siiyay Cali Xaaji Warsame saxaafadda gudaha ayuu ku faah faahiyay socdalkiisii Nayroobi iyo waxa kasoo baxay.

Wasiir Cali Xaaji ayaa Nayroobi shirar kala duwan kula qaatay Hay’addaha iyo wadamada Deeqaha bixiya,sida EU,UNICEF,USAID, DFID waxayna ka wada hadleen waxbarashada Puntland iyo hormarka laga sameeyay.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay Shirkii dib u eegista waxbarashada Puntland iyo waxyaabihii ka qabsoomay kaasoo dhacay 26-27 Feb,2014.

Xoojinta xiriirka Wasaradda Waxbarashada Puntland iyo Beesha caalamka iyo guud ahaan dowladda Puntland ayuu sheegay Cali Xaaji inay ka wada hadleen masuuliyiintii uu Nayroobi kula shiray.

Wasaradda Waxbarashada Puntland ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu hormarinayo Waxbarashada maadama madaxwaynaha Puntland uu kordhiyay miisaaniaydda waxbarashada oo laga dhigay boqolkiiba todobo.

Waa safarkii ugu horeeyay uu Wasiirka waxbaarsahda ku aado dalka Kenya kaasoo ugu danbayntii guul kusoo dhamaaday,

Wararka kale oo soo baxaya ayaa sheegay in Wasiirku uu safar deg deg ah uu ku aadi doono Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo. Safarkaan uu Wasiirku u baxayo ayaa waxa uu hor dhac u noqonayaa safar uu dhawaan Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane: Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” uu ku tagayo Gobolka Mudug iyo deegaamada hoos yimaada.

Daawo Sawiradii soo dhawaynta wasiirka.

Deeq Maxamed Warsame,

Wasaaradda Waxbarashadda

Contact Number+25257400

 

 

Scroll to Top