Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo la kulmay dhalinyaradda Jaamacadaha magalada Galkacayo.

Gaalkacyo, Julaay 27-2020:
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamud Cabdi Cismaan Majiino, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Axmed Huruuse Xaashi, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha ardayda Jaamacadaha magaalada Gaalkacyo.
Kulankan oo ay soo xaadireen dhammaan Guddoomiyeyaasha ardayda Jaamacadaha magaalada Gaalkacyo, ayaa Guddoomiyeyaasha ardayda iyo madasha ay ku midaysanyihiin warbixin siiyey Wasiirka, iyagoona ka warramay in ay siddeedda jaamacadood ee ka dhisan magaalada Gaalkacyo leeyihiin hal madal oo ay ku midaysanyihiin dhammaan ardayda Jaamacadahaas, urukaas oo lagu magacaabo “Guya” waxay ka soo qayb qaateen barnaamijyo Isxilqaan ah, kuwaas oo loogu gurmanayey fatahaadihii magaalada Beledwayne, u gurmashadii waddooyinkii Gardafuu iyo gurmadkii fatahaaddii Magaalada Qardho.
Sidoo kale waxay Wasiirka la wadaageen in ay yihiin ardayda kaliya ee ku midaysan urur, kuwaasoo leh Guddoomiye, ku-xigeen iyo Xoghaye, iyagoona Wasiirka ka codsaday in loo qalabeeyo xafiiska ururka, taasoo Wasiirku aqbalay.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa uga mahadceliyey ardayda warbixintooda mugga leh oo ay ku jirto dhiirranaan iyo doonis wanaagsan, isagoona qiray door weyn inay ku leeyihiin Waxbarashada Puntland khaasatan tan gobolka Mudug, waxuuna ballan qaaday Wasiirku qalabaynta xafiiska ururka Jaamacadaha, waxaana hadalladiisii kamid ahaa: “Halganka waxbarasho ee aad waddaan halkaa ka sii wada, waannu idin garab taagannahay ka-Wasaarad ahaan, waana ku faraxsanahay kulankiinna Mudug, waa bud-dhigga Soomaaliya, khaasatan Puntland, iyo waxkasta oo ka socda guud ahaan dalkeenna, waana idiin hambalyeynayaa.
17

18

19

20

1

2

4

5

6

7

8

9

10

12

14

16

Scroll to Top