Wasiirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare iyo Agaasimaha guud oo safar shaqo u tagay Degmada Carmo, ufayn, iyo isku shuban ee Gobolka bari.

28/10/2016 Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise iyo agaasimaha guud  awafdi uu hogaaminayo oo kormeer Waxbarasho ku maraya Gobolada Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay degmooyinka kala ah Carmo, Isku shuban iyo Ufayn oo ka tirsan Gobolka Bari.

Wasiirka Waxbarashada ayaa degmada Ufayn ka dhagax dhigay dugsiga waxbarshada dadka waaweyn iyo dugsiga hoose dhaxe oo la balaarinayo oo booska loo iibiyey, waxayna maamulka waxbarashada ee deegaanka ka wada hadleen xaaladaha waxbarashada iyo sidii howlaha waxbarashada ka socota loo dardar galinlahaa.

Wasiirka waxbarashada  iyo  Agaasimaha guud  iyo wafdigiisu waxay kadib u gudbeen dhinaca degmada Iskushuban oo ah meeshii wasiirku ku dhashay, wuxuuna wasiirku ka dhagaystay bulshada deegaanka baahida waxbarashada ee halkaas ka jirta iyo kormeer indha indheyn ah oo uu ku sameeyay masahaariicda waxbarashada ka socota degmada Isku-shuban.

Agaasimaha Guud ayaa soo dhawaynta Degmada ufayn iyo isku shuban ku sheegay mid taariikhiya ugana mahad celiyey bulshada aad u soo dhawaysay,

Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay in socdaalkooda uu xooga ku saarayo kormeer lagu sameeyo waxbarashada ka socota deeganada fogfog ee ku yaala Gobolladda Puntland.

Daawo sawiradda

dsc00182dsc00589dsc00591dsc00593dsc00594dsc00599dsc00600dsc00602dsc00603dsc00604dsc00605dsc00606dsc00612dsc00628dsc00629dsc00632dsc00633dsc00634dsc00643dsc00645dsc00648dsc00654dsc00666dsc00685dsc00686dsc00709dsc00732dsc00733dsc00734dsc00745dsc00746dsc00747dsc00750dsc00769dsc00772dsc00773dsc00776dsc00785dsc00786dsc00788dsc00793dsc00795dsc00797dsc00825dsc00828dsc00879dsc00882dsc00894dsc00922dsc01077dsc01081

Deeq hurevov

Scroll to Top