Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland oo Nairobi uga qeyb galay shir looga hadlayo horumarinta waxbarashada Reer miyiga..

09/12/2014 ,Nairobi: Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame oo socdaal shaqo ku joogo magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo horumarinta waxbrashada deegaanada fog fog ee Puntland.

Shirkaan oo furmay sabtidii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay hay’adaha caalamiga ah ee taageera kor uqaadida waxbarashada Puntland.

Wasiirka waxbarashadu wuxuu sheegay inay ka go’an tahay sidii loo hormarin lahaa waxbarashada reer miyiga iyo dhulka aadka uga fog laamiga, arintaas oo uu sheegay inay kamid ahayd balanqaadkiisa uu kahor cadeeyay balamaanka Puntland.

Waxaa shirkaan lagu casuumay wadamo iyo ururo caalami ah oo daneeya arimaha waxbarashada Soomaaliya waxaana lagu waxaana inuu soo gabagaboobo maalinta sabtida ah ee todobaadka soo socda.

Socdaalka wasiirka waxbarashada ayaa kusoo beegmayaa iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay ay wasaaradda waxbarashadu deeq waxbarasho u dirtay in ku dhow 80 arday oo loo diray dalalka Suudaan iyo Itoobiya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND
 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top