Wasiirada Waxbarashada Puntland iyo TFG oo Addis-Ababa ku kulmay…

Wasiirka waxbarashada ,hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda somalia Dr Axmed Caydiid Ibraahim iyo wasiirka waxbarashada Puntland Abdi Farah Said oo Loo Yaqaan Juxa ayaa kulan mudo kooban socday ku yeeshay Hotel Hilton oo ah hoygii ay ku sugnaayeen masuuliyiinta somalia qaarkood.

Labada masuul waxyaalihii ay ka wada hadleen ayaa waxaa ugu muhiimsanaa sidii dar dar galin hor leh loogu samayn lahaa waxbarashada somalia bacdamaa somalia ay ka baxday KMG isla markaana ay mar kale dib u hanatay qaranimadii iyo dowladnimadii somalia.

Abdi Farah Said Wasiirlka waxbarashda Puntland wuxuu guul lama illaawaana ku tilmaamay tirada ardayda ah ee umada somaliyeed xiligan ugu maqan dalal shisheeye kuwaasi oo wax barashooyin kala duwan u jooga waqtiga ay soo laabtaana dadkooda waxtar iyo horu mar u horseedi doona.

Dr Axmed Caydiid Ibraahim wasiirkii hore ee waxbarashada dowladii KMG ahayd ee somalia waxaa uu umada soomalaiyeed ugu baaqay inay iska ilaaliyaan musuq maasuqa iyo wixii la halmaala isla markaana ay xejistaan ama adkaysataan dowladnimadii somalia oo mar kale soo laabatay.

Si kastaba ha ahaatee kulankan waxa uu ahaa kulan ay kaga wada hadleen arrimaha waxbarashada oo kaliya waxaana Dr Axmed Caydiid Ibraahim wasiirkii hore uu wax yar uun ka dib u dhoofay magaalada muqdisho halka wasiirka waxbarashada PL uu wali ku sugan yahay Magaalada adds abeba.

 

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia

 

Scroll to Top