Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo la kulmay Maamulka Jaamacada Axfaad.

07/ January/ 2017- Wasiir xigeenka Wasaaradda Waxabarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali faarax iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa booqday Jaamcada Axfaad ee Dalka Suudan ee gabdhaha. Kulan balaaran oo qiimo leh oo dhexmaray isga iyo maamulka jaamacda ayaa ku soo dhamaaday guul,
14 gabdhood ayaa waa loo agolaaday Qabuulkii iyo Visihiiba sida ugu dhakhaaha badan waxay ku imanayaan Sudaan InshAllah Wasiir ku xigeenku wuxuu la kulmay Dr qaasim Badri oo ah Gudoomiyaha jaamacada ah.
Waxaa la ogaysiinaya 14 Gabdhod inay isdiyaariyaan kana niyad jabin waqtigii ka lumay,
Jaamacada Axfaad ayaa ka danbaysa jaamacadaha kale Dalka suudan furitaankeeda.
Jaamacada Axfaad ayaa sanad walba siisa deeqo waxbarasho gabdhaha ugu sareeya Puntland, waxayna siisa kuliyaddo kala duwan.

13 14 15 12

 

Scroll to Top