Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashadda.

Kusimaha Wasiirka, ahna Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland, Bashiir Jaamac Maxamed, ayaa maanta kormeeray dhismayaasha cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Kormeerka ayaa waxaa ku weheliyey Agaasimaha Waaxda Tayeynta, Tayodhowrka Manaahijta, iyo Kormeerka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/qaadir Yuusuf Nuux.
Wasiirka ayaa sheegay in uu u kuurgalay hawluhu in ay u socdaan sidii loogu tala galay iyo in kale, isagoo xusay in dhawaan la soo gabagabeyn doono dhisidda xarumahaan cusub.
Waxa kaloo ka hadlay kormeerkan dhismaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdulqaadir Yuusuf Nuux.
Waxaana la rajaynayaa in Wasaaradda Waxbarashada dib loo dhiso oo shacabka loogu fududeeyo adeegyada ay uga baahan yihiin Wasaaradda Waxbarashada “ayuu yiri Agaasimaha Waaxda.”
Waxaa kale oo uu Agaasimuhu sheegay in ay dhisayaan goobo ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Waaxda Imtixaanaadka iyo shaqaalaha Waaxda Tayenta, Tayodhowrka iyo Manaahijta oo dhismahaan hirgelintiisa qeyb ka ah.
340 300 301 302 304 305 306 307 308 309 310 311 312 313 314 315 316 317 318 319 320 321 322 323 324 325 326 327 328 329 330 331 333 334 335 336 337 338 339
Scroll to Top