Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo kulan la qaatay shaqalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Bashiir Jaamac Mohamed ayaa maanta markii ugu horeysay Kulan isbarasho ah la yeeshay shaqaalaha Wasaaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.
Kulankaa shaqalaha Wasaaradda Waxbarashada waxaa hormuud ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mohamed Cali faarax Farmayeeri isagoo Labo arrimmood xoogga saaray inay shaqalahu adkeeyaan xiliga shaqada waajibadka loo idmadayna sifiican uga soo baxaan ayna dardar galinta shaqada.

Wasiir ku xigeenka Cusub ayaa kula dardaarmay shaqalaha waxuuna ku booriyey inay dardar geliyaan howlaha shaqo ee ay u hayaan qaranka .

Kulanka oo la isku weydaarsaday tallooyin kala duwan oo wax ku ool ah , ayaa waxuu Wasiirka cusub ay ku dhawaaqay in ay muhiim tahay laga shaqeeyo Waxbarashada iyo horumarinteeda Wasaaradda si eyna u dhicin habacsanaan ku timaada qorshayaasha la hiigsanayo iyo u howlgalidda waa in shaqalaha Waxbarashada kor u qaadan howlaha ay u hayaan umadooda.

Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Bashiir Jaamac Mohamed ayaa uga mahadceliyey shaqaalaha soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen iyo howsha culus oo ay u haayaan dalka iyo dadka reer Puntland iyo umadda Soomaaliyeed oo kale.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland ayaa haysata shaqaale aad xirfadoodu u sarayso tayo wanagsana leh.

Kulankan oo ahaa isbarasho iyo xog wareysi ayaa ku dhammaaday guul .18

19

21

00

01

1

02

2

03

3

04

4

05

5

6

7

9

11

12

13

14

15

17

By: Deeq Hurevov Madaxa xiriirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top