Wasiir Cali Xaaji oo ka qayb galay dood waxbarashada PL looga hadlayay oo Seattle lagu qabtay.

18/08/2014, Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland,Cali Xaaji Warsame ayaa ka qayb galay dood cilmiyeed looga hadlay kor u qaadida waxbarashada Puntland oo lagu qabtay magaalada Seattle Washington ee dalka Marekanka.

Cali Xaaji ayaa booqasho ku jooga Seattle halkaas oo u shirar iyo kulamo kula qaatay madaxda gobolka Seattle Washington,mas’uuliyinta jaaliyadda Puntland iyo dhammaanba dadka reer Puntland ee gobolka ku nool.

Ururka SHED Foundation oo ay aas aasen Abdirahman Aydurus (Tigey),Abdirahman Garaar, Ahmed Dude ayaa soo qaban-qaabiyey dooda uu wasiirka ka qeyb-galay oo si dheer looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada ee Puntland.

Waxaa ka qeyb-galay inta ay socotay dood cilmiyeedka horu socodka waxbarashada Puntland looga hadlay, dhallin yaro ku xeel dheer dib u  dhiska manaahijda wax barashada,waxaana ka mid ahaa Ubax Gardheere, Idil Jama, Mohamed Ali iyo Ahmed Abdile.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland,Cali Xaaji Warsame ayaa khudbad dheer munaasabadda ka soo jeediyey waxuuna ku dheeraday horumarada dhinaca waxbarashada ee ka jira Puntland,isagoona jaaliyadda ugu baaqay inay ka qeyb-qaatan dadaallada xilligan
socda.
“Waxaan aad ugu mahadcelinaya soo qaban qaabishaya doodan oo muhiim u ah horu socodka waxbarashada Puntland,waxaan wadna dadaallo lugu dhisayo waxbarashada Puntland,balse waa muhiin in ad door weyn ka qaadatan oo aydan inugu siideyn,”ayuu yiri wasiir Cali Xaaji isagoo la hadlayey jaaliyadda.

Dooda oo ay wasiirka iyo aqoon-yahannada ku waheliyeen,xubnaha jaaliyadda Puntland ee Seattle Washington ayuu wasiirku u mahad-celiyey,waxaana uu soo bandhigay muuqallo ka hadlayey waxqabadka wasaaradda waxbarashada Puntland oo ay ka muqden dadaallada iyoisbadalka ay durba wasaaraddu wado.

“Waxad aragtan ayaan wadna oo an qabanay waxbadan ayaa noo dhiman,waxaana idinkuna qaadatan doorka idin kaga aadan oo muhiim u ah wasaaradda,”ayuu yiri wasiirka isagoo ka hadlayey waxqabadka wasaaraddisa.

Mas’uuliyinta jaaliyadda oo iyaguna goobta hadallo ka jeediyey waxay u mahad-celiyeen wasiirka iyo warbixinta uu ka siiyey heerarka waxbarashada Puntland,waxaana ay ballan-qaaden inay dadaal ku bixin doonan ka qeyb-galka dadaallada horumarined ee gudaha dalka ka socda.

Gaba-gabadii munaasabadda ayaa wasiirka waxbarashada Puntland,waxaa ururka SHED Foundation ay guddoon-siyeen bilad sharaf aqoonsi taas oo lagu saleeyey shaqada hufan ee uu wasiirku hayo iyo sida aan hagrashada lahayeen ee uu uga soo baxo shaqadiisa.

Biladaan waxay farriin u ahayd dhammaan mas’uuliyiinta Puntland.waxaana ururku uu shaaciyey biladan inay noqon doonto sannadle la siin doono madaxda dowladda Puntland ee waxqabadkooda muujiya.

Dood cilmiyeed looga hadlay kor u qaadida waxbarashada Puntland oo ay ka soo qeyb- galeen boqollaal ka mid ah jaaliyadda Puntland ee Seattle Washington.waxaa ay ku soo dhammaatay waji degan.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

156037_10204450021069377_8393393431678447590_n10382141_10204450022029401_4123749858120120161_n10393802_10204450020989375_6346515117008992066_n10505302_10204450024389460_4615361187748002007_n10559952_10204450020629366_510222311266268647_n10561751_10204450023749444_3903206757460857409_n10600444_10204450020669367_4909678990671225080_nIMG_5788IMG_5796IMG_5805IMG_5806IMG_5807IMG_5810IMG_5811IMG_5816IMG_5819IMG_5822IMG_5824IMG_5825IMG_5826IMG_5829IMG_5832IMG_5833IMG_5834IMG_5835

 

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top