Wasaradda waxbarashada oo qalab gudoonsiiyay gudoomiyasha waxbarashada degmooyinka.

Garowe. Waxaa  masuuliyiinta Wasaradda waxbarashada dowladda Puntland ay labaatan degmo oo ka tirsan Puntland ku wareejiyeen qalabyo xafiisyadda waxbarashada degmooyinka loogu talo galay,kuwaasoo Wasaraddu ugu deeqday hay’adda Diakonia.

Munaasibad qalabkan degmooyinka loogu wareejinayay oo ka dhacday xarunta dhexe ee Wasarada Waxbarashada ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku xigeenka Waxbarashada,ku simaha Agaasimaha guud,Hay’adda Diakonia iyo gudoomiyaasha waxbarashada degmooyinka agabkan loogu talo galay.

Ugu horayntii munaasibada waxaa ka hadlay ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaradda Waxbarashada Mudane Axmed Maxamuud Warsame (Axmed Saahid) waxa uu sheegay qalabkan in loogu talo galay labaatan Degmo oo Puntland ka tirsan balse loo baahan yahay in la xafido oo aan si gaar ah loogu shaqaysan.

Siciido Xirsi oo ka socotay Hay’adda Dayakooniya ee Qalabkan wasaradda ugu deeqday ayaa tilmaamtay inay iskugu jiraan Computaro,Photo-copy.Distop-Kuraas,Miisaska iyo agabyo kale oo xafiisyadda loogu talo galay waxayna hoosta ka xariiqday inay mudo ka badan toban sano ay ka ka shaqaynayeen waxbarashada Puntland.

Wasiir ku xigeenka Wasaradda waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa muujiyay inuu ku faraxsan yahay qalabkan qiimaha leh ee labaatanka degmo loogu deeqay wuxuna kula dardarmay gudoomiyaasha waxbarashada inay xafidaan oo aysan dhibaato soo gaarin maadama ay yihiin qalab umadda loogu addeegayo ayna muhiim tahay in si cadaalad ah loogu shaqeeyo.

Mudane Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay wasaradda masuuliyiinta jooga inay baahiyeen mamulka waxbarashada Puntland si aan culays faro badan loo saarin xarunta dhexe ee wasaradda waxbarashada.

Arrintaan ayaa ka danbaysay ka dib markii saraakiil ka socda Hay’adda Diyakooniya ay qiimayn kusoo sameeyeen degmooyinka agabkan la siiyay.

Qaar ka mid ah gudoomiyaasha waxbarashada degmooyinka ayaa Moepuntaland.com u sheegay inay ku faraxsan yihiin qalabkan maanta loogu deeqay waxayna tilmaameen inay baahi badan u qabeen isla markasna ay wax badani ka dabooli doonto.

kor loogu qaado heerka waxbarashada Puntland ay maanta joogto ayay go’aan saddeen madaxda Wasaradda inay latashiyo kala duwan la sameeyaan dhaman cida ay qusayso Waxbarashada,waxana kor loo qaadayay miisaaniyadda waxbarashada loogu talo galay.

DAAWO SAWIRADII XAFALDA AGABKA WAXBARASHO.

Deeq Maxamed Warasme

Wasaaradda Waxbarashadda puntland

Contact Number+2525743400

Deeq.hurre99@Gmail.com

Scroll to Top