Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo iclaamisay Imtixaamadkii naqliga ee sanad dugsiyeedka iyo imtixaanka shahaadiga ah 2016-2017.

Isniin April- 2017)-Gudoomeyeyaasha Waxbarsahada Goboladda, degmooyinka iyo maamulayaasha dugsiyada waxay si buuxda ayey fuliyeen , iyagoo Tixgalinaya warqaddii ka soo baxaday Xafiiska Waaxda Tayo-dhowrka iyo Kormeerka ee Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee faraysay, xadidaysana xilliyada imtixaanaadka naqliga iyo shahaadiga.

Waxaana guud ahaan Gobolada Puntland  ka  furmay imitixamadkii naqliga ee sanad- dugsiyeedka 2016-17, haddana waxaa la sugayaa in bisha 5aad ay ardayda u fariistaan  lixda bishaa ilaa 13 bisha 5aad..

Agaasimaha Waaxyada Tayodhowrka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/Qaadir yuusuf Nuux ayaa fariin cad u diray gudoomiyeyaasha Waxbarashada si looga hortago tafararuqa , midaynta Waqtiga Fasaxna looga faa’iideysto waxii howlo ah ee taagan sida Tabarada, qorshe dajinta dugsiyada, saxidda iyo soo gudbinta imtixaanada iwm.

C/qaadir Yuusuf Nuux  Agaasimaha waaxda Tayeynta iyo Tayo-dhowrka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  musuuliyinta Gobolada iyo kuwa Degmooyinka Waxbarashada waxaa uu yiri “inay fuliyaan midaynta Waqtiga imtixaamaka naqliga iyagoo raacaya nidaamka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.”

Sidoo kale waxaa  gudoomiyeyaasha laga rabaa in dugsi walba u soo buuxiyo Foomka tirokoobka Ardayda iyo dhammaan natiijoyinka imtixaanaadka ee ardayda sanadkan,  marka laga reebo Fasalada 8-aad iyo 12-aad.

Fasalka 8aad iyo 12aad Waxaa uu imtixaanka shahaadiga ah si Rasmi ah  u bilabanyaa 20/bisha 5aad/2017  keeda dhamaan Gobolada oo dhan.

Agaasimaha WaaxdaTaya-dhawka manahijta iyo  Kormeerka Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare

C/qaadirYuusuf Nuux_DSC0171

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top