Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo iclaamisay Imtixaamadkii naqliga ee sanad dugsiyedka 2017-2018.

Sabti, 6 january 2018)-Gudoomeyeyaasha Waxbarsahada Goboladda, degmooyinka iyo maamulayaasha dugsiyada waxay si buuxda ayey fuliyeen , iyagoo Tixgalinaya warqaddii ka soo baxaday Xafiiska Waaxda Tayo-dhowrka iyo Kormeerka ee Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee faraysay, xadidaysana xilliyada imtixaanaadka naqliga iyo shahaadiga.
 
Waxaana guud ahaan Gobolada Puntland ka furmaya imitixamadkii naqliga ee sanad- dugsiyeedka ee termka hore 2017-18, haddana waxaa la sugayaa in bisha 5aad ay ardayda fasalada 8aad iyo 12aad u fariistaaan imtixaanka shahaadiga ah.
 
Agaasimaha Waaxyada Tayo-dhowrka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/Qaadir yuusuf Nuux ayaa fariin cad u diray gudoomiyeyaasha Waxbarashada si looga hortago tafararuqa , midaynta Waqtiga Fasaxna looga faa’iideysto waxii howlo ah ee taagan sida Tabarada, qorshe dajinta dugsiyada, saxidda iyo soo gudbinta imtixaanada iwm.
 
Agaasimaha waaxda Tayeynta iyo Tayo-dhowrka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare musuuliyinta Gobolada iyo kuwa Degmooyinka Waxbarashada waxaa uu yiri “inay fuliyaan midaynta Waqtiga imtixaamaka naqliga iyagoo raacaya nidaamka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.”
 
Sidoo kale waxaa gudoomiyeyaasha laga rabaa in dugsi walba u soo buuxiyo Foomka tirokoobka Ardayda iyo dhammaan natiijoyinka imtixaanaadka ee ardayda sanadkan, marka laga reebo Fasalada 8-aad iyo 12-aad.
 
Agaasimaha Waaxadda Waxbarashada Tooska Murwo Maryan Jaamac Xuseen iyo Madaxa Manahijta Nuur Ciiro ayaa dhamaan ku tagaya kormeer imtixaankii termaka hore iyagoo qiimaynaya imtixaanka Tayadiisa iyo Macalimiinta iyo Ardayda ku jirta Imtixaanka.
 
 
Iyagoo iskuuladu tixgalinaya Warqadii ka soo baxday Xafiiska kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.
By; Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.
Scroll to Top