Wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo furtay Imtixaamadkii naqliga ee sanad dugsiyedka 2015-2016.

Sabti, 9 january 2016)-Gudoomeyeyaasha Waxbarsahada Goboladda, degmooyinka iyo maamulayaasha dugsiyada waxay si buuxda ayey fuliyeen , iyagoo Tixgalinaya warqaddii ka soo baxaday Xafiiska Waaxda Tayo-dhowrka iyo Kormeerka ee Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee faraysay, xadidaysana xilliyada imtixaanaadka naqliga iyo shahaadiga.

Waxaana guud ahaan Gobolada Puntland  ka  furmay imitixamadkii naqliga ee sanad- dugsiyeedka  ee termka hore 2015-16, haddana waxaa la sugayaa in bisha 5aad ay ardayda fasalada 8aad iyo 12aad u fariistaaan imtixaanka shahaadiga ah.

Agaasimaha Waaxyada Tayodhowrka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/Qaadir yuusuf Nuux ayaa fariin cad u diray gudoomiyeyaasha Waxbarashada si looga hortago tafararuqa , midaynta Waqtiga Fasaxna looga faa’iideysto waxii howlo ah ee taagan sida Tabarada, qorshe dajinta dugsiyada, saxidda iyo soo gudbinta imtixaanada iwm.

Agaasimaha waaxda Tayeynta iyo Tayo-dhowrka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  musuuliyinta Gobolada iyo kuwa Degmooyinka Waxbarashada waxaa uu yiri “inay fuliyaan midaynta Waqtiga imtixaamaka naqliga iyagoo raacaya nidaamka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.”

Sidoo kale waxaa  gudoomiyeyaasha laga rabaa in dugsi walba u soo buuxiyo Foomka tirokoobka Ardayda iyo dhammaan natiijoyinka imtixaanaadka ee ardayda sanadkan,  marka laga reebo Fasalada 8-aad iyo 12-aad.

Agaasimaha Waaxadda Waxbarashada Tooska  Maxamed Ismaaciil finiin iyo Madaxa Manahijta Ciise Maxamed Ciise ayaa dhamaan ku tagtay kormeer imtixaankii termaka hore iyagoo qiimaynaya imtixaanka Tayadiisa iyo Macalimiinta iyo Ardayda ku jirta Imtixaanka.

Iyagoo iskuuladu tixgalinaya Warqadii ka soo baxday Xafiiska kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

                                                              Hoos Ka Daawo Sawiradda

DSC08445 DSCF2970 DSCF2949 46 45 43 41

C
C

IMG_0071 IMG_0117 IMG_0113 IMG_0110 IMG_0107 IMG_0101 IMG_0089 IMG_0088 IMG_0086 IMG_0083 IMG_0074 IMG_0064 IMG_0072 IMG_0076 IMG_0069 IMG_0068

IMG_0071 IMG_0075 IMG_0114 IMG_0117IMG_0079 IMG_0085 IMG_0087 IMG_0063      By: Deeq Maxamed WarsameEmail.Deeq.hurre99@Gmail.comTell- +252577400

 

Scroll to Top