Wasaaradda Waxbarasharada iyo Tacliinta sare Ee Dowlada Puntland oo kormeero Waxbarasho ku sameynaysa gobolada Nugaal, Sool, Sanaag iyo Haylaan

28/feb/2015, Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday inay kormeero dhameystiran ku sameyso dhammaan dugsiyada, xarumaha iyo macaahida ay waxbarashu ka socoto.

Kormeerkaan oo ka kooban labo qeybood, ayaa lagu sameyndoonaa gobolada Nugaal, Sool, Sanaag iyo Haylaan si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso.

Ujeedadda guud ee kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ayaa kula dardaarmay gudoomiyayaasha waxbarashada goboladaas iyo saraakiil katirsan wasaaradda waxbarashada inay kormeerkoodu si hufan usoo gutaan islamarkaana ay natiijo wax ku ool ah kusoo celiyaan xarunta dhexe ee wasaaradda.

Daawo Sawiradda sagootinta.

Scroll to Top