Wasaaradda Waxbarashadda puntland oo qabatay aqoon kororsi ku aadan habka Ururinta,Maaraynta xogta Waxbarashadda Puntland.

 

02/07/2014

Waxaa maanta Hallka shirarka ee wasaaradda waxbarashada Puntland ee Garowe ka furmay shir looga hadlayo arrimaha maamulka iyo arruurinta xogta waxbarashada  Goballada iyo Dagmooyinka Puntland. habkaa ayaa loo yaqaan ( EMIS)

Waxaa barnaamijkaa si rasmiya u furay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarasahadda Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax.

Wasiirka ayaa hadaladisii waxaa ku caddeyd in xogtu ay tahay waxaa kaliya ee kaa cawinkara in aad goaan gaarto.

Wasiirku waxa uu kula dar darmay gudoomiyasha waxbarshadda ee goboladda, degmooyinka, kormeeraysha goboladda iyo dhamaan shaqaalaha xarunta dhaxe ee wasaaradda waxbarashadda kuwaas oo ka qaybaqadanaya tababarkan in ay ka faa’iidaystaan aqoona ka helaan si ay ugu fududaato sidii ay mustaqbalka dhow iyo kan dheerba ay ugu tababari lahaayeen maamulayasha iskuulada iyo macalmiinta.

Wasiirk ku xigeenka wasaaradda Waxabarashada  puntland waxaa uu hadaladiisii ku soo gabagabeyey in arintaan u baahanatahay masuuliyad, iyo xil kasnimo isla markaasna loo bahanayahay in la uruuriyo xog xaqiiq ku qotonta  si loo helo go’aan wanaagsan.

Waxaa sidoo kale tababarkan hawlwadeeno ka ahaa Cabdulaahi Nuur Salaad iyo Maxamud Cabdisalaan AW Cali oo Wasaaaraddu u xilsaaratay inay tababarkan bixiyaan.

Tababarkaan oo ay ka soo qaybgaleen 54-xubnood oo isugu jira Gudoomiyayaasha waxbarashada Gobollada iyo  kuwa Dagmooyinka iyo qaar kamida shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada  Puntland ayaa sanadkaan waxaa looga hadli doonaa habka loo tababari lahaa Maamulayasha Dugsiyada Hosee / Dhexe  ee deeganada Puntland iyadoo maamulayaashaas lagu tababarayo habka xog-aruurinta  iskuulada Puntland.

Tababarkaan  oo ay fulinayso  Wasaaradda waxbarashada Puntland oo la kaashanaysa Hay’adda UNICEF  ayaa socon doona 4-maalmood, waxaana afartaa maalmood ee uu tababarku socdo lagu baran doonaa habka maamulidda iyo uruurinta xogta waxbarashada.

Todobaadyada soo socda ayaa la filayaa in Tababarkaan mid lamida  loo qaban doono Maamulayashada  Dugsiyada Sare Iyo  Jaamacadaha Puntland.

Tababarkaan oo ah tababar sanadkiiba mar la qabto ayaa ku soo beegmaya xili ay wasaradda ka socdaan tababaro kor loogu qaadayo hanaanka waxbarasho ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top