Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntland oo daahfuray Imtixaanka Shihaadiga ah ee Puntland.

23/may/2015- Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta daah furay Imtixaanka Shihaadiga, ka dib munaasibad lagu qabtay dugsiga sare ee Al-Waaxa Garowe.

Waxaa kasoo qayb galay Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare  masuuliyiinta Iskuulka iyo qaar ka mid ah Ardaydda Imtixaanka u fariisanaysa.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay sanadkan inay Imtixaanka Shihaadiga ah u fariisanayaan toban kun iyo kontan arday, kuwaasoo ka badanay sanadkii hore, waxa kale uu sheegay Imtixaanka in lagu qaadayo 74-xarumood oo gobaladda Puntland ku yaala, sidoo kale Kormeerayaal ayuu sheegay inay ku sugan yihiin goobahaasi.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa marka hore boggaadin u diray ardaydda Imtixaanka galaysa, waxa kale uu sheegay inay ku faraxsan yihiin arday intaasi leeg inay ka qalajabin doonaan dugsiga sare iyo fasalka ugu danbeeya ee dugsiga dhexe, wuxuna sheegay inay tahay wax lagu faano in Puntland ay lee dahay Wasaradda Waxbrasho oo si hagaagsan Imtixaanka hal mar u wada qaadaysa.

Sidoo kale waxa uu sheegay dowladdu inay ka go’an tahay sidii mar kasta kor loogu qaadi lahaa tacliinta si loo helo jiilal aqoon leh oo waxbartay.

Imtixaankii ugu horeeyay ayuu Camay ka qaybiyay fasalka 8-aad ee dugsiga Al-Waaxo isagoona sheegay ardaydu inaysan waxba ka baqin Imtixaanka ee ay ku dhiirtaan.

Tiradda ardayda Dugsiga sare ee Imtixaanka galaysa ayaa lagu sheegay 2.818 halka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe u fariisanayaan 7.235 oo isagu jira wiilal iyo gabdho.

Hoos ka Daawo Sawiradii.

1

4

IMG_2319

IMG_2322

IMG_2324

IMG_2329

IMG_2342

IMG_2354

IMG_2357

IMG_2362

IMG_2365

IMG_2371

IMG_2375

IMG_2378

IMG_2385

IMG_2386

IMG_2395

IMG_2396

IMG_2407

IMG_2419

IMG_2456

IMG_2457

IMG_2464

IMG_2465

IMG_2468

IMG_2470

IMG_2491

IMG_2504

IMG_2507

IMG_2508

IMG_2512

 

 

Scroll to Top