Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo la wareegtay Iskuul ay Balley ka dhistay hay’adda SFS.

Hay,adda Somali Family Services ayaa wasaaradda Waxbarashada ku warejisay dhisme ka kooban 2 Fasal,Xafiis iyo labo Musqulood oo ay ka hirgalisay Xaafadda Balley ee Magaalada Garoowe.

Munasabada ayaa waxaa kazoo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi faarax Juxa, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Waxbarashada, Duqa Degmadda Garowe, Sarakiisha hay’adda SFS, Bulshada ku dhaqan xaafadda Balley, Ardayda, Waalidiinta iyo marti sharaf kale.

Munasabadda oo ka dhacday dugsiga Balley ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Madaxa Mashruuca Waxbarashada Somali Family Services Bashiir Ibraahim Jaamac (Dheliyo) waxaana uu ka warbixiyey Mashruucan waxbarashada iyo heerarkii uu soo maray ,isagoo sheegay in barnaamijka ay kawadaan Meelo ay ka midyihiin Garoowe, Balley, Sunijiif, Yibaayil iyo Xaarxaar islamarkaana uu u qaybsamo labo qaybood oo ka kala socda magaalooyin iyo dhul miyi ah oo la gaarsiiyey agabka waxbarashada sida Teendhooyin qaabka guriga u diyaarsan, Saburado, Jeesto iyo Barayaal la tababaray oo xoolo dhaqato ah.

Bashiir waxaa uu sheegay in mashruucan ay iska kaashadeen SFS,Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Hay,adda UNICEF oo Maalgelinaysa,ahmiyadda laga leeyahay ay tahay sidii loo kobcin lahaa garaadka Caruurta ku nool meelaha aan waxbarashadu ka jirin ee ay miyiga ah iyadoo waxbarashada la gaarsiinayo Magaaladda iyo Miyigaba.

Bashiir Ibrahim waxaa uu xusay in mashruucu qabado kala kulmay deegaanka Balley oo iskuulka lagu warejinayo ,kuwasoo ay ka midyihiin in aanay dadka waalidiinta ahi u diyaarsanayn waxbarashada Caruurtooda aysana daremayn dadaalka loogu jiro waxbaridda ilmahooda.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xasan C/laahi Cilmi (Xasan Birimo) ayaa isna qaatay hadalka waxaana uu sheegay in baahida waxbarashadu ay ka timi dadka deegaanka Balley oo xilliyo kala duwan soo gaarsiiyey cabashadooda Xarunta Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal,iyadoo xilligaa dadaal dheer loo galay sidii iskuul ay u helilahayeen ,balse ay muuqato in aysan ka faaiidaysan iyado hay,adda dhistay iskuul aanay ku qancin habka waxbarasho ee Bulshada Balley aanay ugu xaydan Horumarinta waxbarashada dhalaankooda.

Xasan Cismaan oo ka mid ah gudiga waxbarashada ee Balley ayaa ka mahadceliyey dadaalka loo galay helitaanka iskuulkan iyo agabka waxbarasho ee lasoo gaarsiiyey,waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin sidii ay udardargelin lahayeen waxbarashada Caruurta.

Xirsi Geele oo ah gudoomiyaha Balley ayaa isna sheegay in iskuulkani yahay kii ugu horeyey ee laga taago Balley oo ah meel ay Culimada Xerta (Timoweynta ) ahi degtay Sanadkii 1958 ,iyadoo ujeedkii halkaasi loo degayna uu sheegay in ay ahayd Barashada Diinta Islaamka balse aanay ka marnayd Cilmiga Maadiga ah,waxaa kaloo uu sheegay in Barashada cilmiga Maadiga ahi ay u tahay marxaladda labaad.

Xirsi Geele waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay labo xilli wax kala baranayaan gabdhah iyo wiilashada ku nool xerada Balley.

Duqa Degmadda Garoowe C/casiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa sheegay in iskuulkani yahay barnaamijyada Horumarineed ee ka socda deegaanka iyadoo loo bahanyahay in laga wada faaiidaysto oo xooga la saaro sidii waxbarashada asaasiga ah looga dhisilahaa Caruurta ku sugan Balley si marka ay garaan waxbarashada sarana ay ugu gudbaan dugsiyadda Magaaladda Garoowe ee ay ka tirsantahay Balley.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo isna ka mid ahaa masuuliyiinta gaaray Balley ayaa u magadceliyey hay,addaha iska kashaday dhismaha iskuulkan oo uu xusay in laga dhisay meel ku haboon waxaan uu dadka deegaanka ku booriyey in ay dadaal u galaan sidii ay u muujin lahayeen doorka kaga adan oo ah in ilmaha ay uga faaiideyaan “ dhismahaan qurxoon waxaa looga bahanyahay culimada iyo waalidiinta Reer Balley in aad ka faaiidaysataan oo aad kazoo muuqataan waxa la idiin qabanayo,waxqabadka meeshan ee danbe waxaa uu ku xiranyahay sida aad kan uga faaiidaysataan”,Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

Gudoomiyuhu waxaa uu sidoo kale bulshada reer balley ku xoojiyey in horumar loo bahanyahay madaama halkaan la degay 1958dii oo hadana iskuulkii ugu horeyey maanta laga dhisay ,waxaana uu yiri isagoo arrimahaas ka hadlaya “marka laga eego inta la deganaa meshaan waxaa loo baahnaa in ay kazoo baxaa barayaal ummada  wax bara,arrinta muhiimka ahi waa waxbarashada gabdhaha  iyadoo dadka la barayo diini iyo Maadiba”.

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

 

Scroll to Top