Wasaaradda Waxbarashada PL oo daahfurtay Ololaha Waxbarashada ee AADA DUGSIYADA

Wasaaradda Waxbarashada puntland ayaa  si rasmi ah u daahfurtay Ololaha Waxbarashada AADA DUGSIYADA oo ah Olole dugsiyada dib loogu celinayo Caruur iyo dhalinyaro aad u farabadan.

Xaflad oo si heer sare ah ay u soo agaasimtay Wasaarada Waxbarashada Puntland ee Soomaaliya islamarkaana ay ka soo qaybgaleen Xubno ka socday labada gole ee dawlada Puntland oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Wasiirada Amniga, Maaliyada, Wasiir ku xigeenka Waxbrashada iyo Agaasimayaasha wasaarada, Xubno ka socday Hay’adda Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee Waxbarashada ka shaqeeya, Bahda waxbarashada, Waali diin iyo marti sharaf kale oo farabadan waxaana aad loogaga hadlay ahmiyada waxbarashadu ay leedahay.

Dhamaan Masuuliyiintii xafladan manta ka hadashay waxay dhiirigaliyeen in dhalaanka iyo dhalinyaradaba loo diro waxbarashada si ay u soo baxaan Jilalakii mustqabalka umada iyo wadankaba hogaamin lahaa.

Mashruucan Ololaha loogu magac daray GO TO SCHOOL ama AADA DUGSIYADA wuxuu manta si isku mid ah uga wada furmay wadanka Soomaaliya oo dhan oo ka fulayo waxaana guud ahaan Soomaalia loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan ilaa 1 Milyan oo Caruur iyo dhalinyaro ah.

Puntland waxay ka mid tahay meelaha laf dhabarta u ah oo uu ka furmay Mashruucan loogu magac dahay GO TO SCHOOL ama AADA DUGSIYADA, waxaana maalgaliyey mashruucan QM iyo Dawlada Qadar, waxaana loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan tiro gaadhaysa ilaa   200, 000,  oo Caruur iyo dhalinyaro ah (150,000 oo ardayda Dugsyada H/Dhexe ah iyo 50,000 oo Dhalinyarada lagu barayo Xirfadaha gacanta ama Farsamada gacanta), wuxuuna socon doonaa mudo sadex sano ah.

 

 

 

DEEQ HUREVOV HEAD OF MEDIA

MINISTRY OF EDUCATION PUNTLAND SOOMALIA.

Scroll to Top