Wasaaradda Waxbarashada oo dhismo ku wareejisay Jaamacadda Bariga Africa Faraceeda Qardho.

22/09/2014,Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa maanta dhismo ka kooban labo dabaq ku wareejisay maamulka Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho,waxaana dhismahaan isugu jiraan Fasalo waxbarasho,Xafiisyo Maamul,Qolalka Jiifka iyo Cuntada,Labareeri iyo Howlala shirarka loogu talagalay in laguqabto,waxaana munaasabadii lagu wareejinayey Dhismahaani ka soo qeybgalay Agaasimaha waaxda Tayo dhowrka iyo Kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashda,Maamulka Dowladda Hoose Qardho,Gudoonka Waxbarashada Degmada Qardho,Maamulka Jaamacadda Bariga Afirca faraceeda Qardho,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Agaasimaha waaxda Tayo dhowrka iyo Kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashda ee  Puntland C/qaadir Yuusuf Nuux oo ka hadlay Dhismaha lagu wareejiyey Maamulka Jaamacadda Bariga Africa ayaa sheegay…”Maanta aad baan ugu faraxsanahay in aan halkaan isugu nimaadno annaga oo ka tashaneyno Tayenta waxbarashada Degmada Qardho,dhismaha aan fadhino waa dhisme loo dhisay looguna talagalay in Waxbarashda Gabdhaha kor loogu qaado,laakiin Mashruucaasi woo soconwaayey sabababo jiro awgeed,waxaa codsi soo gudbiyey Aqoonyahanka,Nabadoonada Xildhibaanada in dhismahaan lagu wareejiyo Jaamacadda Bariga Africa Faraceyda Qardho,iyadoo Wasaaradda ka Jawaabeyso Codsigaasi waxaaa si kumeel gaar ah muddo saddaxsano sano loo ogalaaday in Jaamacadda ay isticmaasho Dhismahaan iyo Dhammaan qalabka ku jira…”ayuu yiri C/qaadir Yuusuf Nuux.

Xoghaya Dowladda Hoose Qardho Maxamuud Maxamed Shire oo goob joog ka haan dhismaha lagu wareejiyey jaamacadda ayaa sheegay in dadaal badan ay u gashay Dowladda Hoose Qardho sidii loo hirgalinlahaa dhismahaani,waxana la dhisay 2007-dii iyadoo markaasi laga lahaa in laga dhigo Goob si gaar ah wax loogu baro Gabdhaha waxaa loo dhameyntiray wax walbo oo markaasi loo bahnaa hadii ay ahaan laheyd Fasalo waxbarasho,goobo jiif ah,Garoon lagu ciyaaro,laakiin barnaamijkaasi woo soconwaayey…”Maadaama dhismahaan loo dhisay Waxbarashada gabdha arintaasina ay suuroowi weyday waxaa la isla gartay in dhismahaan lagu wareejiyo Maamulka Jaamacadda si kumeelgaar ah,Jaamacadda waxa ay ku jirtaa guryo kiro ah oo aan munaasab ku aheyn waxbarashada Sare,waxaa si gaar ah ugu mahacelinayaa Wasaradda waxbarashda oo ka jawaabtay codsigii Bulshada Qardho oo ahaa in dhismahaani lagu wareejiyo Jaamacadda…”ayuu yiri Xoghaya Dowladda Hoose Qardho.

Cali Maxamed Cali Maamulaha Jaamacadda Bariga Africa Faraceyda Qardho ayaa Wasaaradda waxbarashda iyo cidwalbo oo ka qeybgashay wareejinta dhismahaani u mahadceliyey waxa uuna sheegay…” Aniga oo ku hadlayo Magaca Maamulka Jaamacadda Bariga Africa farceeda Qardho,waxaa ballan qaadeynaa in dhismaha iyo qalabka nalagu wareejiyey in aan u isticmaalo sida ugu quruxd badan in aan ugu faa’iideysano,Jaamcaddu waa halbowlo muhiim ah oo hormarka magaalada aad ugu qeybqaata waxaana sanadkaan ka qalin jabineyso Dufcaddii ugu horeysay,sidaa daraadeed waa muhiim in Jaamacadda ay hesho Dhismo ay ku shaqeyso ayuu hadalkiisa ku sheegay.”Cali Maxamed Cali.

Jaamacadda Bariga Afirca Faraceeda Qardho ayaa in muddo ah waxa ay ku jirtay dhismo kiro ah,waxaana aqoonyahanka Qardho ay dadaal u galeen sidii dhismo loogu helaa jaamacadda,waxana arintaasi si weyn u soo dhaweeyey Bulshada ku nool magaalada Qardho.

Dhismahaan lagu wareejiyey Jaamacadda Bariga Africa waxaa Goob joog ka ahaa Mas’uuliyiintaan kala ah:- Agaasimaha waaxda Tayo dhowrka iyo Kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashda C/qaadir Yuusuf Nuux Xildhibaan Baarlamaanka Puntland C/risaaq Muuse Maxamuud.
Xildhibaan Baarlamaanka Puntland C/rashiid Siciid Maxamuud Gudoomiyaha Hey’adda PDO Shiikh C/qaadir Yaasiin Ow-Maxamed.Xoghayaha Dowladda Hoose Qardho Maxamuud Maxamed Shire. Maamulaha Jaamacadda Bariga Africa Qardho Cali Maxamed Cali Gudoomiyaha Gudoonka Waxbarashada Degmada Siciid Maxamed Faahiye. Xildhibaan Golaha Deegaanka Qardho Cabdi Faarax Maxamed Waxgaradka Magaalada Faarax C/llaahi Cumar Maamulihii Hore Xarunta maanta la wareejiyey Xaliimo Siciid Maxamed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA.

Wareejin_Dhismo_Qardho (1) ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 

 

Scroll to Top