Wasaaradda Waxbarashada Oo Deeq Isugu Jirta Raashin Iyo Xoola Nool Gaarsiisay Xarunta Lagu Xanaaneeyo Caruurta Agoonta

Wasiirka Waxbarashada Puntland, Mudane Cabdi Farax (Juxa)  Iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada mudane Maxmed Abdiwahab,ayaa maanta deeq gaarsiiyay xarunta Agoonta ee ku taala magaalada Garoowe, Wasiirka oo u dhurgalaya hab u socodka waxbarasho iyo nolosha ayaa maamulka xarunta Agoonta ku wareejiyay,deeq isugu jirta raashin iyo xoolo nool.

 

Wasiirka oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Mudane Gaashaan iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa la hadlay maamulka, macalimiinta iyo caruurta Agoonta ah ee lagu daryeelo xaruntaasi,

Sidoo kale waxa uu warbixin ka dhagaystay maamulha xarunta Agoonta, maamulka iyo Agoonta ayaa dhankooda gudoomay deeqdan ayaa si wayn ugu mahadceliyay Wasiirka Waxbarashada iyo wefdigii la socda.


Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top