Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare (WWTS) ee Puntland ayaa imtixaan ka qaadday arday deeq waxbarasho oo heerka labaad ee jaamacadda ah loogu dirayo dalka Ethiopia.

75 arday ayaa u fariistay Imtixaan lagu qaaday Kulliyadda Tababbarka Macalliminta ee GTEC, waxaana imtixaanka heerka labaad ee Waxbarashada daah furay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, ahna ku-simaha Wasiirka, Wasiir-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Agaasimaha Tacliinta Sare iyo masuuliyiinta ka tirsan guddiga Imtixaanka loo xil saaray.
Wasaaradda Waxabrashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland oo saaka si wada jir ah imtixaan uga qaadday 75 arday oo ka tirsan ardayda dhammaysatay Jaamacadaha Puntland, kuwaas oo fariistay imtixaanka lagu kala reebayo dadka loo qaadanayo waxabarashada heerka labaad ee dawladda Ethiopia ugu deeqday dawladda Puntland.

Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, Cadirisaaq Maxamed Faarax (Dheereeye) oo goobta ka hadlay ayaa caddeeyey in xulidda codsadayaasha laga soo maray hawl badan, ayna isla xuleen guddi kooban oo uu magaacabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada, qof walbana laga hubiyey shahaadada uu wato iyo celceliskiisa shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda uu ka baxay, ugu damaynna la xushay ardayda saaka nasiibka u heshay in ay imtixaanka u fariisato.
Wasiir-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare,Cabdullaahi Xasan Rooble, waxa uu isna dhankiisa sheegay in fursadda waxabrasho ee ardadu u fadhido imtixaankiisa ay soo codsadeen boqollaal arday ah, balse ay nasiib u yeesheen 75-ta arday ee maanta fadhida in ay u soo gudubto wareegga labaad ee lagu kala harayo, kaas oo ah imtixaanka saaka loo fadhiyo, kuwa hadda fadhiyana ay kusii kala hari doonaan imtixaanka, ugu dambaynna ay gudbi doonaan 40-ka arday ee ugu sarraysa natiijada ka soo baxda imtixaanka.

Ugu danbayn, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxabrashada iyo Tacliinta Sare, ahna kusimaha Wasiirka, Bashiir Jaamac Maxamed, oo ka hadlay furitaanka imtixaanka ayaa ku dhiirrigeliyey ardayda fadhida imtixaanka in ay u galaan si hufnaan ah, qof walbana ku kalsoonaado aqoontiisa, maaddaama imtixaanku yahay qiimayn qofka lagu qiimeynayo in uu u qalmo u gudbidda heerka labaad ee waxabarasho.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa mahad ballaadhan u caliyey ardaydii usoo xaadirtay inay galaan imtixaanka deeqda Waxbarasho oo loo tartamayo.11

21

25

31

33

42

44

45

46

122

123

211

411

412

422

424

445

4122

120366401_3326188027497297_4900291603468429261_n

Scroll to Top