Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare shir lagu soo dhaweeynayey masuuliyiin ka socota Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Xubinta ka ah Dowlada Federalka ah ee Koonfur Galbeed.

Waxaa maanta ka furmay hoolka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare shir lagu soo dhaweeynayey masuuliyiin ka socota Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Xubinta ka ah Dowlada Federalka ah ee Koonfur Galbeed, shirkaas oo daarnaa iskaashiga labada Wasaaradood ee Waxbarashada Puntland iyo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed. Shirkan oo uu hoggaaminayey Agaasinaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed iyo Agaasima-Waaxeedyo lasocday. Isbarasho ka dib, waxaa la gudo galay in aqoon kororsi loo sameeyo si ay Puntland ugu faa’iidayso aqoontii 20ka sano lagu soo dhisayey Puntland, iyo sidii khibraddaas iyo aqoontaas laysaga kaashan lahaa labada Wasaaradood.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa horay u siisay tababbarro iyo xirfadda maamul-goboleeddada dalka iyo Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka ah.
608 590 591 593 595 596 597 598 599 601 602 603 605 606
Scroll to Top