Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo u soo jeedisay inay bahda Waxbarashada inay ka qayb qaatan dhismaha wadada isku xirta ceel daahir iyo ceergaabo.

2o/Agoosto/2015-Waxaa xalay hotelka New Reys ee magalada Garowe lagu qabtay kulan uu soo qaban qaabiyay guddiga dhismaha wadada isku xirta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, kulanka waxaa kasoo qayb galay madaxda wasaradda waxbarashada, gudoomiyaaasha waxbarashada gobaladda, kuwa Jaamacaddaha iyo madaxda Iskuulada.

Ahmiyadda kulankan ayaa salka ku haya in la xoojiyo taageerada goobaha waxbarashada siin karaan dhismaha wadadaasi oo shacabka Puntland iyo dowladduba u istaageen qaab isku tashi ah, waxana laga soo jeediyay khudbado ka hadlaya ahmiyada ay lee dahay in shacabku isku tashadaan oo dalkooda dhistaan.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo madax u ah guddiga dhaqaale u aruurinta wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo kulanka hadal kooban kasoo jeediyay ayaa tilmaamay in looga baahan yahay madaxda Jaamacaddaha iyo Iskuulada inay dhexda u xirtaan sidii ay dowrkooda uga qaadan lahaayeen dhismaha wadadaasi oo muhiim u ah gaadiidka iyo dadka, Arday kastana laga doonayo inuu bishii u qorsheeyo hal doolar oo Soomaali ah u dhiginta labaatan kun oo lacagta Soomaaliga ah.

”Qofkasta oo Muslim ah haddii uu ku deeqo $1 masjid ama Wado iyo Ceel Biyaha lagacabo, wuxuu labaxay sadaqo jaariya oo naftiisa iyo Aakhriadiisaba anfacaysa”. hadalkaasi ayaa ku qornaa boor lagu soo bandhigay shirka oo dadka loogu muujinayay inay muhiim tahay inay dhaqaale u dhigaan horumarinta dalkooda hooyo.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Wasiir  ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  iyo qaar ka mid ah madaxda Iskuulada iyo gudoomiyaasha Waxbarashada ayaa dhankooda balan qaaday inay kaalin wanaagsan ka ciyaari doonaan sidii loo dhisi lahaa Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo u baahan in gacmo wadajir ah lagu dhiso.

Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas ayaa horay ugu baaqay inay muhiim tahay shacabku inuu isku tashado oo dhisto wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

”Puntland ha isku tashato si taa loo gaaro waa in Qofkastaa oo eer Puntland ah uu ku deeqo hal doolar wadada CeelDaahir iyo Ceerigaabo, taas oo adna wax kuu dhibeyn wadankana dhiisaysa” waa hal ku dhigii Prof.Cabdiwali Cali Gaas.

Guddigan ayaa ku guulaystay bad baadinta isku xirka gobaladda Puntland, ka dib markii ay dhexda u xirteen in shacabka Soomaaliyeed habeen iyo maalin loogu baaqo inay ka qayb qaataan dhismaha Buundadii Midigar oo roobabkii 2013-waxyeelo gaarsiiyeen.

Hoos ka Daawo Sawiradii shirka

 

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

By Deeq Maxamed Warsame.

Scroll to Top