Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar ku Saabsan barnamijka Emis loo yaqaan u furatay Gudoomiyesha Waxbarashadda.

04/octobar/2015,Waxaa Hallka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee Garowe ka furmay shir looga hadlayo arrimaha maamulka iyo arruurinta xogta waxbarashada  Goballada iyo Dagmooyinka Puntland. habkaa ayaa loo yaqaan (EMIS). Agaasimaha Waxaada qorashaynta Asmaa C/rixmaan iyo Maxamud C/salaan ayaa barnamijkaan isku soo duba riday.

Waxaa barnaamijkaa si rasmiya u furay WasiirkaWasaarada Waxbarasahadda iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Pro:Abshir Yuusuf Ciise, Wasiirka ayaa hadaladisii waxaa ku caddeyd in xogtu ay tahay waxaa kaliya ee kaa cawinkara in aad go’aan gaarto, hadaan xog la helina Waxba suurtoobayn.

Wasiirku waxa uu kula dar darmay gudoomiyasha waxbarshadda ee Goboladda, degmooyinka, kormeeraysha Goboladda iyo dhamaan shaqaalaha xarunta dhaxe ee wasaaradda waxbarashadda kuwaas oo ka qaybaqadanaya tababarkan in ay ka faa’iidaystaan aqoona ka helaan si ay ugu fududaato sidii ay mustaqbalka dhow iyo kan dheerba ay ugu tababari lahaayeen maamulayasha iskuulada iyo macalmiinta.

Wasiirka wasaaradda Waxabarashada  puntland waxaa uu hadaladiisii ku soo gabagabeyey in arintaan u baahanatahay masuuliyad, iyo xil kasnimo isla markaasna loo bahanayahay in la uruuriyo xog xaqiiq ku qotonta  si loo helo go’aan wanaagsan.
Tababarkaan ayaa Waxa uu socanyaa Mudo 3 bari ah oo ay ka soo qaybgaleen  Shaqaalaha dhaxe  ee Wasaaaradd xubnood oo isugu jira Gudoomiyayaasha waxbarashada Gobollada iyo  kuwa Dagmooyinka Wasaaradda Waxbarashada  Puntland ayaa sanadkaan waxaa looga hadli doonaa habka.

barnamijkaan Emis Ayaa aha qayb ka ah Shaqooynka Wasaarada laf dhabarka u ah, oo laga helo xog sax dugsiyada puntland dhamaantood, hadana lagu darayo waxaad tacliinta sare iyo waxaada waxbarashada dadban.

Waxaa sanad Walba kor u kacaya is qorista Ardayda dugsiyada aadaysa puntland ku waas oo larabo in xog saxa laga helo say u helaan Tayo Waxbarasho oo fiican.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

IMG_1214 IMG_1211 IMG_1210 IMG_1209 IMG_1206 IMG_1202 IMG_1200 IMG_1199 IMG_1198

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top