Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar ku saabasan u soo xirtay (WASH Program) 30 macalin oo ka kala yimi Nuugaal iyo Bari .

28/Maarso/ 2017- Waaxada Cusub ee hormarinta Wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Qaybteeda Wash Waxbarashada ayaa u soo xiraty Tababar Macliimin.

Tababar kusaabsan nidaamka faayo-dhawrka ee ardayda iyo dugsiyada hoose/ dhaxe oo laga fulinayay barnaamijka WASH ee Xafiiska hormarinta Waxbarashada ee Wasaaradda Waxabarasahada iyo Tacliinta sare

Islamarkaana ay kasoo qaybgaleen qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo kormeerayaasha Gobolka khabiiro dinaca faayo- dhowrka oo ah  xafiiska hormarinta Waxbarashada.

Agaasimaha waaxada xafiiska hormarinta waxbarashada mudane Maxamud C/salaan oo Tabbarka kahadlay ayaa sheegay in tababarkani soconayey mudo sadex maalmood ah islamarkaana ay kasoo qaybgalayashan in kabadan 30 Macalin oo ka kala yimid Dugsiyada hoose dhaxe Garowe iyo Kormeerayashada degmada Boosaso . Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan intii uu soconayey  sifiican kaqayb galyaashu ugu baran doonan faa’iidooyinka faayo- dhawrka iyo waliba saamaynta xun ee faayodhawr la’aantu kuleedahay bulshada gaar ahaan ardayda iyo dugsiyada iyo waliba bulshada ku hareeraysan.

Hadaba tababarkan oo ay xidhitaankiisii kasoo qaybgaleen dhamaan shaqalaha waxabarashada  iyo Gudoomiyaha Waxabarashada Gobolka Nugaal  Xaashi Xuseen faarah  ayaa  xiritaanka tababrka ka  hadlay   oo sheegay inuu tababarkan ahaa mid la idinku barayay ilaalinta nadaafada dugsiyada uu ka howl galo barnaamijka wash waliba habkii loo isticmaali lahaa deeqda dugsiyada wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay  kula dardaarmay tababar qaata yaasha inay goobihii ay ka yimaadeen ugasii faaiideeyaan waxa ay ku fahmeen mudadii uu tababarku socday islamarkaana ka dhaqan galiyaan dusiyada.

Waxaa Tababarka soo xiray  agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Abulaqadir Cimaan.oo ugu horayn umahad celiyay dhamaan kaqayb galayaasha sida wanaagsan ay uga sooqayb galeen isla markaanaa ay casharada u qaadanaya mudadii sadexda cisho ah ee uu tababarku soconayey.
Wuxuuna intaa kudaray Agaasimaha Guud in tababarkan ay kaqayb galaayshu ku barteen casharo muhiim ah oo ku qotama nidaamka faayo dhawrka ee dugsiyada iyo ardayda labadaba. Wuxuuna kula dardaarmay kaqayb galaaysha in sifaacan loo hirgaliyo casharadaan labarayo dugsiyada kuna yeelanya samayn iyo wacyigalin islamarkaana dhisaya dhamaan Waxbarashada loogu talagalay dugsiyada ee WASH Program.

Hoos ka Daawo Sawiradda 

DSC01831 DSC01826 DSC01860 DSC01850 DSC01847 DSC01841 DSC01852 DSC01857 DSC01858 DSC01859DSC01859DSC01858DSC01857DSC01852DSC01839DSC01841DSC01846DSC01829DSC01830DSC01831

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top