Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar aqoon kobcin ah u furtay Macalimiinta dhiga Maadooyinka English iyo Sayniska.

19/January/ 2017 -kuliyadda tababarka ee Macalimiinta Puntland ee GTEC waxaa uu tababar socon doono mudo bil ah uga furmay 60  Macalin oo dhiga dugsiyadda sare ee Puntland.

Tababarka oo ay iska kaa shanayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntand iyo Ha’yadda Mercy Crops  waxaa bixin doona Macalimiin ay usoo xushay Wasaaraddu iyagoo lagu bari doono Macalimiinta casharo ku saabsan maadooyinka English iyo Sayniska.

Daah furka tababarka oo lagu qabtay Xarunta GTEC ee Garowe waxa ka qayb galay Agaasima Guud ee  Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Maxamed Abdulqadir Cismaan, Agaasimaha Waxaadda  Mashaariicda iyo Tababaradada Maclimiinta iyo Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare  Abdulaahi Axmed Maxamud iyo Masuuliyiin ka socday Ha’yaddaha Mercy Crops.

Maamulaha Kulliayadda Tabababrka Macalimiinta ee GTEC Abdirihmaan shiikhdon Cali ayaa waxaa uu sheegay sanadkaan inay Macalimiintan Ka faaiidaysan doonan Casharadan

Maamulaha  kuliyadda  GTEC ayaa sheegay in Puntland ay heer  wanaagsan ka joogan Macalimiinta   Masuuliayad wayna  ka saaranayhay  dalkooda iyo  Dadkooda, waxa ay ballan qaadeen in ay sii xoojinayaan  Kuliyaddu  Tababaraadda  ay u qabtaan Macalimiinta dhinac Walba ha noqotee.

Maxamed  Yuusuf oo ka socday Hay’adda Mercy Crops  madasha ka hadlay waxaa uu sheegay in Hay’addu ay wasaaradda ka caawin doonto sidii Macalimiintu ug  faa’iidaysan lahadeen aqoonta laysu guyeeray ,waxaa uuna ku buuriyey Macalimiinta inay noqdaan ka faa’iidaysata casharada lasiinayo.

Agaasimaha Waxaad  mashaariicda iyo tababarada ayey waxay u ahayd Maalin Wayn isagoo Meesha ku bartay boqolaal Macalimiin ah oo kala yimi gobolada puntland .

Agaasimaha Waaxda ayaa sheegay in uu ku faraxasna yahay Tababarkaan macalimiinta loo furay maanta waxaana uu sheegay in uu xafiiskiiska waaxada in uu aad ugu mashaquulsan yahay sidii loo Tayey lahaa Macalmiinta puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare  Maxamed Abdulqadir Cismaan oo isagu Tababarka furay waxaa uu dhankiisa sheegay in Tababarkaan looga gon leeyahay sidii aqoonta Macalimiinta dugsiyada sare kor loogu qaadi lahaa,waxaa uu xusay in wasaaradu ay u jirto da’daal fara badan sidii isbadal dhab ah looga samayn lahaa waxbarshada,isagoo Carabaabay in hada waxbadan u qabsoomeen.

Ugu dambayntii waxaa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare kula dar daarmay Maclimiinta inay u adkaystaan wax kasta oo cadaadis ku keeni kara kana faa’iidaystaan aqoonta loogu yeeray.

Macalimiinta Maanta Tababarku uga furmay Kuliyadda Tababarka Macalimiinta ee GTEC ayaa ah kuwa laga kala keenay deegaanada Puntand waana macalimiin dhiga dugsiyada sare ee Puntland ,waxaana Tababarku ku soo aaday xili fasax ay ku jiraan Ardayda wax kabarata dugsiyada Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

DSC_0597 (1) DSC_0599 DSC_0596 DSC_0597 (1) DSC_0597 DSC_0598 DSC_0599 DSC_0600 (1) DSC01652 DSC_0599 DSC_0600 (1) DSC_0601 DSC01601 DSC01602 DSC01617

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top