Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo shaacisay Jadwalkii imtixaamadka Naqliga iyo shaahadiga ahaa

12/03/2018

 

Ku : dhamaan Gudoomiyeyaasha Waxbarashada Gobolada Puntland.

OG: Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Waxbarashada Puntland.

OG: Dhamaan Maamulayaasha Iskuulada Dugsiyada Hoose/dhexe iyo sare.

OG: Agaasime waaxeedadda Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

OG: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

OG: Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

OG: Wasiir Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

OG: Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare.

Gudoomeyeyaasha Waxbarasahada Goboladda, degmooyinka iyo maamulayaasha dugsiyada waxa la faraya inay si buuxda u fuliyaan warqada hoose , iyagoo Tixgalinaya warqaddii ka soo baxaday Xafiiska Waaxda Tayo-dhowrka iyo Kormeerka ee Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee faraysa, xadidaysana xilliyada imtixaanaadka naqliga iyo shahaadiga.

Agaasimaha Waaxyada Tayo-dhowrka WWTS C/Qaadir yuusuf Nuux ayaa fariin cad u diray gudoomiyeyaasha Waxbarashada Gobolada si looga hortago tafararuqa , midaynta Waqtiga Fasaxna looga faa’iideysto waxii howlo ah ee taagan sida Tabarada, qorshe dajinta dugsiyada, saxidda iyo soo gudbinta imtixaanada iwm, waxuuna musuuliyinta Gobolada Waxbarashada u sheegay inay fuliyaan midaynta Waqtiga imtixaamaka naqliga iyagoo raacaya nidaamka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.

Sidoo kale waxaa gudoomiyeyaasha laga rabaa in dugsi walba u soo buuxiyo Foomka tirokoobka Ardayda iyo dhammaan natiijoyinka imtixaanaadka ee ardayda sanadkan, marka laga reebo Fasalada 8-aad iyo 12-aad.

Hoos kala dega Jadwalka Itixaamdka Naqliga ah iyo Shahaadiga.

Scan_20181202 (2)Scan_20181202 (3)

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top