Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo sagootisay 130 arday oo deeq Waxbarasho ka heshay dalka Eithopia

12/0ct/2016- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowlada Puntland ayaa sagootisay 130 qof oo isugu jira arday ka qalin jabisay dugsiyada sare Puntland iyo shaqaale dowladdeed, kuwaas oo dalka Ethiopia looga helay deeqo waxbarasho oo isugu jira Master iyo Bachelor

Munaasabad lagu sagootinayay ardaydaan oo ka dhacay xarunta jaamacadda PSU, ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland,  kuxigeenkiisa, Agaasimaha guud iyo Xafiiska Imtixaanaadka Puntland.

Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamuud Warsame ayaa sheegay in waxbarashadu tahay hanti Islamarkaana qofkii ku dadaala uu helayo miraha iyo natiijada uu usoo halgamay, Isagoona uga digay ardeyda inaysan ku fakarin tahriib iyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa kula dardaarmay ardeyda inay ka faa,iideystaan fursadaan oo uu sheegay inay tahay mid dahabi ah oo aysan helin dadkoo oo dhan, Wuxuuna kula balamay 130 ardey ee deeqda waxbarasho loogu diray dalka Ethiopia inay dalkooda wax usoo bartaan Islamarkaana la qabsadaan Jawi ahaan iyo Dhaqan ahaan-ba wadanka ay u socdaan.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntand Dr. Abshir Yuusuf Ciise  oo ugu dambayn hadlay ayaa sheegay dowladda Puntland inay dadaal xoogan ugu jirto in kor loo qaado fursadaha waxbarshada ardayda dugsiyada sare iyo shaqaalaha dowladda.

Wasiirku wuxuu ardayda ku booriyay inay ku dadaalaan waxbarashadoooda islamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato weyn oo maanta haysata dhalinyarada Puntland.

Daawo Sawirada.

25 26 1 2 3 4 5 6 20 22

4 2 25

19 25

Scroll to Top