Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo sagootisay 120 ardayoo deeq Waxbarasho ka heshay dalka Eithopia

November/6/2018- Wasaaradda Waxbarashada iyoTacliinta Sarre ee Dowlada Puntland ayaa sagootisay 120 qof oo isugu jira arday ka qalin jabisay dugsiyada sare Puntland iyo shaqaale dowladdeed, kuwaas oo dalka Ethiopia looga helay deeqo waxbarasho oo isugu jira Master iyo Bachelor.

Munaasabad lagu sagootinayay ardaydaan oo ka dhacay xarunta Wasaarada dhexe ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland, Wasiir Dowlaha Waxbarashada , Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Xafiiska Tacliinta sare Puntland Maxamed Axmed Warsame (Shirdoon)ayaa sheegay in waxbarashadu tahay hanti Islamarkaana qofkii ku dadaala uu helayo miraha iyo natiijada uu usoo halgamay, Isagoona uga digay ardeyda inaysan ku fakarin tahriib iyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah.

 

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Yaasiin Cabdi Seed ayaa kula dardaarmay ardeyda inay kafaa,iideystaan fursadaan oo uu sheegay inay tahay mid dahabi ah oo aysan helin dadkoo oo dhan, Wuxuuna kula balamay 120 ardey ee deeqda waxbarasho loogu diray dalka Ethiopia inay dalkooda wax usoo bartaan Islamarkaana la qabsadaan Jawi ahaan iyo Dhaqan ahaan-ba wadanka ay u socdaan.

 

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntand Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo ugu dambayn hadlay ayaa sheegay dowladda Puntland inaydadaal xoogan ugu jirto in kor loo qaado fursadaha waxbarshada ardayda dugsiyada sare iyo shaqaalaha dowladda.

Wasiirku wuxuu ardayda ku booriyay inay ku dadaalaan waxbarashadoooda islamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato weyn oo maanta haysata dhalinyarada Puntland

Hoos Ka Daawo Sawiradda


IMG_7210 IMG_7229 IMG_7280 IMG_7281 - Copy IMG_7281 IMG_7298 IMG_7302 IMG_7209

 

IMG_7256 IMG_7257 IMG_7259 IMG_7261 IMG_7273 IMG_7274 IMG_7275 IMG_7276 IMG_7292 IMG_7293 IMG_7294 IMG_7218 IMG_7223 IMG_7227 IMG_7229 IMG_7233 IMG_7256 IMG_7296 IMG_7298 IMG_7299 IMG_7313 IMG_7317 IMG_7318 IMG_7319 IMG_7232 IMG_7246 IMG_7263 IMG_7264 IMG_7209 IMG_7210 IMG_7211 IMG_7212 IMG_7218 IMG_7276 IMG_7316.

IMG_7224 IMG_7229 IMG_7211 IMG_7212 IMG_7218 IMG_7222 IMG_7223

By Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top