Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Qiimayn ku samaynaysa Jaamacada open university.

14/jaanayo/2016-Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa qabatay Munaasabad ay kuso Bandhigtay Siyaasaddeeda ku aaddan hubinta tayada tacliinta sare iyo diiwaan galinta Jaamacado cusub, oo waddanka ka hirgala, sidoo kale waxaa ay Wasaaraddu Warbixin ka dhagaysatay Jaamacaddii ugu horraysay oo lagu dabbaqo sharciyadan cusub, lana qiimeeyo habka ay u shaqayn doonto iyo fursadaha waxbarasho ee ay u hayso bulshada Puntland.

Kulankan oo ahaa kulan ballaaran oo ay ka soo qayb galeen Madaxda wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare uuna ugu horreeyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr. Muxamed Cali Faarax, iyo Agaasimaha guud  mudane Axmed Cali Shire,agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo la taliyaha wasaaradda qaybta tacliinta sare Dr. Saciid Faahiye.

Ugu horrayn waxaa hadalka bilaabay Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Axmed Cali Shire oo sheegay in ay ka go’an tahay in la dhawro tayada waxbarasho ee dalka.

Dhankiisa ayaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Dr. Mohamed Ali  Faarax sharraxaad kooban ka bixiyay siyaadda guud ee ay wasaaraddu ugu tala gashay hubinta tayada tacliinta sare, is la markaana waxa uu goobta ka akhriyay shuruudaha looga baahan yahay jaamacad kasta oo is diiwaan galisay. Ayna ka mid tahay in ay codsi u soo gudbisato wasaaradda is la markaasna ay tahay jaamacad leh tayo ay ka mid tahay manhaj la aqoonsan yahay, iyo agab waxbarasho oo daboolaya baahida ardayda suura galinaya in la helo waxbarasho tayo leh oo horseedda is baddal wanaagsan, iyo shaqo abuur, sidoo kale ay heshiis la saxiixato mid ka mid ah xarumaha waxbarasho ee waddanka ka jira ama hay’ad dowladeed.

Wuxuu wasiirku sheegay in dhawaan lagu dhawaaqi doono guddiga sare ee tacliinta sare, oo shaqadiiso noqonayso in uu jaamacada sharciyeeyo, lana xisaabtamo oo kormeero shaqadooda.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inaan marnaba la oggolaan doonin in jaamacad aan rukhsad haysan aysan waddanka ka shaqayn Karin.

Intaa ka dib,waxaa laga codsaday hawl wadeennada jaamacaddan cusub (AOU) in ay goobta ka soo jeediyaan warbixin ka hadlaysa jaamacadda iyo hannaanka waxbarasho ee ay raacayso, iyo sida ay ku hubinayso tayada waxbarasho. Waxaa intaa ku xigay su,aalo qaybtood aad u adkaayeen oo ay waydiinayeen masuuliyiinta wasaaraddu.

Wakiilka jaamacadda xafiiskeeda Puntland Sh. Maxamed Cumar Axmed waxaa uu sheegay in jaamacaddani ay daboolayso baahi taagan,  taas oo ah barashada diinta islaamka, iyo culuumta kala duwan iyada  oo uu qofku u helayo in uu shaqaysto haddana, isla markaana jaamacaddu ay siinayso ardayga shahaado  caalamka laga aqoonsan yahay, oo aan shaki la galin Karin. Waxaa uu intaa ku daray in ay jaamacaddu hayso manhaj tayo leh, iyo macallimiin marxaladda bilowga ah ka qancin kara ardayda baahida waxbarasho.

Sheekh Maxamed Axmed Faarax oo ka mid hawl wadeennada jaamacadda ayaa asna ku dheeraaday in jaamacaddu ay diiradda saari doonto hubinta tayada waxbarasho iyo soo saarista arday isku kalsoon oo qaatay aqoon la taaban karo.

Gabagabadii kulanka ayaa wasiir ku-xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland waxa uu tibaaxay in ay tahay jaamacadda American Open University jaamacad la yaqaan, ayna bogaadiyeen culimmada waaweyn ee dunida muslimka ugu caansan, isla markaasna faafisa aqoonta islaamka oo ku dhisan dhex dhexaadnimo.

Jaamacadda American Open University.

Jaamacadda American Open University (AOU) waa jaamacad islaami ah, taasoo ah tii ugu horraysay oo laga hirgaliya waddama galbeedka, waxaana lagu bartaa culuumta islaamka iyo culuumta bulshada. Waxaa laga aasaasay waddanka maraykanka 1995, waxay xarumo kala duwan ku leeday waddammo badan oo ka mid ah dunida Islaamka sida Masar/Egypt iyo Urdun/Jordan, waxaana laga furay xafiiska geeska Africa caasimadda Somalia Muqdisho, sidoo kale waxaa  la aasaasay xafiiska Puntland oo noqon doona caasimadda Garowe, iyo magaalada Bosaso.

Jaamacaddu waxa ay bixinaysaa heerarka tacliinta sare oo ay ugu horrayso diploma ,Baajulaar, mastar, iyo PHD, waxa ka mid ah qaybaha ay bixinayso:

  1. Kulliyadda Shareecada islaamka
  2. Kulliyadda Usuulu diin
  3. Kulliyadda Dhaqaalaha islaamka
  4. Kulliyadda waxbarashada
  5. Kulliyadda culuumta luqadda carabiga.

Waxayna ku baxdaa luqadaha carabiga iyo Englishka balse hadda qaybaha diyaarka ah waa kulliyadaha ku baxa luqadda carabiga.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

12345678910121314151617181920212223242525_126272830313233363738

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top