Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Qabatay shir looga hadlayo Hormarinta Waxbarashada haweenka,

18/ March/ 2016- Munaasabad balaaran oo m lagu qabtay hoolka shirarka ee hotel Gobsoor  ee magaalada Garowe laguna soo bandhigayay u qareemida Waxbarashada Gabdhaha ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare  iyo haweenka Horumarinta waxbarashada ee Puntland, saraakiil ka socotay hay’adda WAWA iyo CARE,

Waxaa shirkaa looga hadlay u qareemida Gabdhaha Waxbarashada iyo 5sano oo la soo dhaafayay Waxii u qarsoomay.

Agaasimaha Guud Waxbarashada Puntland Mudane Axmed Cabdi cali shire  oo munaasabadan ka hadlay ayaa ugu baaqay haweenka  wax qabtay inay sii der der galiyaan shaqada loo id maday, iyagoo tix galinaya baahiyaha Waxbarashada dumarka puntland.

in ay ka faa’idaystaan fursan qaaliga ah ee ay heleen, wuxuuna tilmaamay in arrintani ay tahay guul u soo hoyatay gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Puntland kuwaas oo u baahan fursado waxbarasho si ay mar walba uga faa’idaystaan bulshadana ugu faa’ideeyaan Mashaariicda iyo kobcinta waxbarashada Gabdhaha.

Wasiirku ku xigeenka haweenka puntland wuxuu gabdhaha ku dhiirigaliyay in ay dadaal muujiyaan kaalin muuqatana ay bulshada ka noqdaan iyagoo dhinaca kalana ka faa’idaysanaya fursadaha wax ku oolka ah ee loo samaynayo.

Faadumo shugri oo ah madexa waaxda horumarinta Waxbarashada gabdhaha ee Wasaarada iyo Tacliinta sare  ayaa aad u faahfaahisay 5tii Sano oo la soo dhafay Waxii Gabdha loo qabatay  iyo Gabdhaha jooga Gobolada  iyo  ay ka soo kala xuleen deeqo Waxbarasha siiyey ha ahaate Waxbarashada asaasiga ah iyo Mid heer jamacadeed. waxayna ugu baaqday dhinacyada ku hawlan waxbarashada gabdhaha in ay sidan oo kale uga qayb qaataan kobcinta waxbarashada gabdha aan iska bixin Karin kharashaadka Waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa 5tii Sano oo la soo dhaafay waxay wax ka badashay waxbarashada Haweenka puntland iyagoo  Deeqo Waxbarasho siiyey  boqolaal  Gabdha ah oo waxbarasho bilaasha.

Hoos Ka Daawo sawirada.

20160315_121840 20160315_121834 20160315_114948 20160315_114854 20160315_112426 20160315_113100 20160315_114645 20160315_114647 20160315_114854

20160313_120514 20160313_115528 20160313_115457 20160313_115450 20160315_114854 20160315_114647 20160315_114645 20160315_113100 20160315_112426 20160315_113550 - Copy

20160315_125238 20160315_125236 20160315_125232 20160315_121826

20160315_125244

Scroll to Top