Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo dhagax dhigatay Dugsi sare cusub ee Magalada Garowe.

12/oct/2016- Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa maanta Garowe ka dhigay dugsiga sare oo loogu talo galay inuu qeyb ka qaato dardar gelinta iyo haqabtirka baahida waxbarashada ee ardayda magaalada Garowe.

Dusgigaan sare ayaa ah qeyb cusub oo lagu kordhiyay dugsiga hoose iyo dhexe ee Sheikh Xaamid, kasoo horey u ahaa dugsi dhexe oo kaliya.

Sababta loogu kordhiyay dugsigaan sare ayaa lagu sheegay inay tahay, si ardayda dugsigaas ka baxdo fursad ugu helaan inay isla dugsigooda ka helaan waxbarasho dugsi sare ah. sababtoo ah ma jiraan dugsi sare oo ka agdhow aaga, iyadoo ardayda dugsigaas ka baxdana ay ku khasbanaayeen inay xaafadaha kale ka raadsadaan dugsi sare.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa u mahad celiyay hay’adda CARE oo maalgelinaysa mashruuca lagu dhisayo dusgiga sare, wuxuuna sheegay tilaabadaan inay qeyb ka tahay sida wasaaradda waxbaraashadu ugu heelan tahay horumarinta waxbarashada.

Wasiirku wuxuu sheegay inay haatan wasaaradda waxbarashadu dhismayaal waxbarasho ka wado guud ahaan Puntland gaar ahaan dhulka xeebaha ku teedsan oo la doonayo in kor loosoo qaado waxbarashadooda.

Daawo Sawiradda.

img_4444img_4452img_4452img_4464img_4469img_4474img_4492img_4582img_4596img_4608img_4619img_4620img_4638img_4640img_4642

 17 18 13 15
Scroll to Top