Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Daahfurtay Mashruuc Akhriska- Qoraalka iyo Xirfadaha.

17/07/2016- Kulankaan maanta lagu qabtay xarunta hoolka Wasaaradda Waxbarashada  oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda waxbarashada  iyo Tacliinta sare ee dowlada puntaland ayaa ahaa mid lagu daaah furay Mashruuca qorista iyo akhriska  Waxbarashada Dadka waa wayn, waxuuna ku wajahana  in qofka wax akhrin karo  waxna qori karo ,  Waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta sare,aqoonyahanno, ardayda Jaamacadaha, iyo hay’adaha Tageera Waxbarashada Puntland .

Barnamijkaan Akhriska Waxaa uu ku wajihnaa kooxo gaar ah oo daruufo gaar ah leh.

Safiyo sugule oo ah waaxada Waxbarashada dadban ee Wasaaradda waxabarashada iyo Tacliinta sare  ayaa   ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay goobta oo ka faalooday ahmiyadda ay leedahay wax qoriska iyo qoraalka.

Hadaba Waxaada Waxbarashada Dadban waxay ku dadaalaysaa in ay barnamijkaan hirgaliso iadoo kaasahanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Hay’adaha ku lugta leh Waxbarashada Dadban Sida, UNESCO, AET,ADRA, iyo CARE.

“Aanu goosano sidii agaasimuhu u yiri qof walbow ku dadaal hal qof in aad wax barto, akhriska iyo qorista farta, Hotelada taga magaalada mara tabeelayaasha akhriya gobolkii banaadir aaway luuqaddii dhulkaa lagu daray anaga akadeemiyad goboleedka horumarinta afka Soomaaliga waxaanu rajeyneynay in ay dadwaynuhu nagu gacan siin doono ilaalinta afka”

Madaxa Hayadda UNESCO u fadhiya Wakiilka Puntland Maxamed Xaashi Waxaa uu si gaara uga codasaday hay’adda UNESCO in barnamijkaan wax muuqda  ka qabato si uu gaaro dhamaan Gobolada, halka hada uu ka joogo hal gobol sidii uu sheegay agaasimaha Waxaada waxbarashada dadban.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland  Maxamed Cabdulqaadir cismaan oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda waxbarashada iyo dhibaatada waxbarasho la’aanta dalka ka jirta, waxaana uu ku baaqay in laga wada qayb qaato la dagaalanka Jahliga.

“Hadii anaga qaar naga mid ah ay aad u sareeyaan oo ay BHD wataan 100% , 90 na aysan waxba akhrin karin qorina karina, wax muhiimad ah manoo lahan, horumarna kuma gaari karno, marka si aan horumar u gaarno aan adduunyada ula tartano aan go’aankaas qaadano”ayuu yiri Agaasimaha.

Munaasabadaan oo ay ka hadleen aqoon yahano badan oo waqti dheer howlaha waxbarashada ku soo jiray ayaa gaba gabadii waxaa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee  dowlada  puntland  Dr Maxamed Cali Faarax   waxaana uu sheegay in Wasaaraddu ay dadaal dheer ku bixineyso tayeynta Waxbarashada iyo sidii waxbarasho loogu heli lahaa dhalaanka u baahan”.ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  ayaa waxaa ay dhawaanahaanba dadaal ugu jirtay sidii waxbarashada dalka loo tayeyn lahaa, iyadoo dalka ay aad ugu badan yihiin dadka aan fursadaha u helin waxbarashada ama duruufuhu u diideen,  waxaana xusid mudan in  Wasaarada Waxbarashada ee dowladda puntland   ayaa  meel walba ka hirgelisay iskuulaad si lacag la’aan ah carruur badan ay wax uga baranayaan in kastoo ay u baahan tahay in dabagal lagu sameeyo sida ay u shaqeeyaan iskuulaadkaasi.

 Hoos Ka Daawo Sawiradda.

IMG_3345 IMG_3366 IMG_3367 IMG_3376 IMG_3353 IMG_3355 IMG_3377 IMG_3376 IMG_3379
IMG_3348 IMG_3359 IMG_3364

IMG_3379 IMG_3376 IMG_3368

IMG_3409 IMG_3413 IMG_3409

IMG_3346 IMG_3362

IMG_3384 IMG_3387 IMG_3372

IMG_3391 IMG_3351 IMG_3397 IMG_3357

IMG_3394

IMG_3414 IMG_3419 IMG_3421 IMG_3423 IMG_3420
IMG_3429IMG_3421IMG_3423

IMG_3429

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top