Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare oo afur sagootin ah u samaysay arday deeq waxbarasho ka heshay dalka Masar

23/jun/2016- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa afaru sagootin ah u samaysay 9 arday oo deeqo waxbarashada ka helay wadanka masar.

Wasiirka waxbarashada Puntland Abshir awyuusuf Ciise,wasiir kuxigeenka waxbarashada Dr.Maxamed Maxamed Cali Faarax,agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Cismaan,agaasimaha Imtixaanaadka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaarada ayaa goob joog ka ahaa kulanka.

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa ardaydaan oo deeq waxbarasho horay uga helay dalka Yemen islamarkaan dalka dib ugu soo laabtay markii dagaaladu ay ka qarxeen dalkaasi yemen si ay u sii wataan waxbarashada ka qabyoowday.

Cabdulqaadir Jaamac Xuseen oo kamid ah arday helay deeqdan waxbarasho oo kulanka ka hadlay ayaa wasaaradda waxbarashada uga mahadceliyey deeqdan waxbarasho ee ay u aadayaan dalka yemen waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu markale jaanis u helay waxbarasho dibada ah.

Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Maxamed oo kamid ah waalidiinta ardayda deeqda waxbarasho heshay ayaa wasaaradda ayaa kula dardaarmay ardayda inay ka faa,iidaystaan deeqdaan waxbarasho waxaana uu wasaaradda uga mahadceliyey fursadaan waxbarasho ee ay ardayda siisay.

Madaxa Imtixaanaadka Axmed Saahid,Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Cismaan,Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa ugu hambalyeeyey ardayda furasadaan ay heleen waxaana ay kula dardaarmeen inay sida ugu wanaagsan uga faa,iidaystaan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland oo kulanka soo gunaaday ayaa sheegay in wasaaradu ay dadaal ugu jirto sidii ay ardayda Puntland u heli lahaayeen deeqo waxbarasho oo dalka iyo dibadiisa ah.

 

Wasiiirka ayaa kula dardaarmay ardaydaan helay deeqda waxbarasho inay muujiyaan adkaysi si ay guul uga gaaraan waxbarasha islamarkaan ay mustaqbalka ay dadkooda iyo dalka u anfacaan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw-Yuusuf Ciise ayaa ugu baaqay ardayda deeqda waxbarasho ka heshay dalka Masar inay ka waan toobaan tahriibka waxaana uu tilmaamay in dalalka yurub aysan ka helayn nolol wanaagsan.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowadda Puntland ayaa boqolaal arday deeqo waxbarasho ugu dirtay dalka dibadiisa kuwaas oo ka faa,iidaystay deeqaha waxbarasho ee loo diray.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

_DSC6272 _DSC6273 _DSC6274 _DSC6275 _DSC6277 _DSC6278 _DSC6280 _DSC6282 _DSC6285 _DSC6287 _DSC6291 _DSC6296 _DSC6299 _DSC6301 _DSC6305 _DSC6308 _DSC6312 _DSC6323 _DSC6327 _DSC6333 _DSC6334 _DSC6336 _DSC6341 _DSC6343 _DSC6346 _DSC6347 _DSC6349 _DSC6350 _DSC6351

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

Scroll to Top