Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Hay’adda Care oo daah furay buugaag Dugsiyda sare ah.

6/11/2016 – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo kashanaysa Hay’adda Care  maanta Buugaag ku saabsan  Dugsiyadda Sare ka daah furtay Magalada Garowe ee Dugsiga sare ee Al- waxaa.

Xafladaa buug Wareejinta  ayaa Waxaa ka qayb galay Agaasimaha Waxaadda Waxbarashada Tooska ah Maxamed Ismaciil fiiniin iyo Gudoomiyaha Waxabarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax iyo Maamulayaasha iskuulada Sida Dugsiga sare Al waxa, Dugsiga sare Nawaawi iyo Dugsiga sare ee Nugaal Secondary  iyo Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaarada dhaxe .

Madaxa Mashruuca Waxbarashada Hay’adda Care Axmed sheikh   ayaa sheegay buugaagtaan inay yihiin kuwo xambaarsan Macluumaad badan oo ay aradayda dugsiyada sare baahida ka dabooli karaan  Baahidooda Waxbarashada asaasiga ah iyo Waxbarashada mustaqbalkooda, isagoo sheegay in loogu talo galay Ardaydayda dugsiyada sare ee Puntland.

Axmed sheikh  wuxuu sheegay buugaagtaan in loo qeybin doono dhammaan dugsiyada Sare ee ku yaala Puntland intii ay ka suurtagasho aradyada Puntland ka faaidaytaan.

Maamulayaasha iskuulada oo matalayan maamulayaasha kale ee dugsiyada sare ee Puntland  ayaa sheegay in  ujeedada ay ka leeyihiin Barnaamijkan baahi buug aad ugu qabaan   sidii carruurta dhigata dugsiyada sare wax uga bartaan loona helo arday tayo leh.

 

Buugaagtan Dugsiyada sare ayaa waxay kala yihiin maadooyinka Science iyo Arts oo lagu qaato Fasalada ilaa 1aad ilaa F4. Sida: Chemistry, Biology. Physics. Math, English, Busness, History, Goerophy, iyo buugaag kale oo macluumad xanbaarsan.

Waxayna buugtaa Tiro ahaan ka kooban yihiin 900 boqol oo buug oo hada la siinayo 30 iskuul oo dugsiyada sare ee Puntland.

Hay’adda EAT ayaa 10 sano oo la soo dhaafay Gacanta ku haysay Buugaagtan dugsiyada sare ee Puntland.

Hoos ka Daawo sawiradda

dsc02080 dsc02082
dsc02089 dsc02090 dsc02092 dsc02093 dsc02094 dsc02095 dsc02097 dsc02098 dsc02099 dsc02101 dsc02103 dsc02104 dsc02105 dsc02108 dsc02111 dsc02115 dsc02119 dsc02120 dsc02122 dsc02123 dsc02126 dsc02129 dsc02130 dsc02140 dsc02141 dsc02146

dsc02147 dsc02112 dsc02119

 

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Please follow and like us face book Wasaaradda Waxbarashada puntland.

 

Scroll to Top