Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday sixitaanka imtixaanaadka fasalada 8aad ee dugsiyadda dhexe ee Puntland 2018-2019.

Imtixaanka ayaa loo xilsaaray ilaa 256 macalimiin ah oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland iyadoo macallimiinta lagu soo xulay aqoontooda iyo qibraddooda macalin, saxida ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23, July,2019.

Madaxa imtixaamadka Maxamud Maxamed Siciid (Caynsane) ayaa sheegay inuu meel wanaagsan u marayo howsha sixitaanka islamarkaana ay si dhow ula socdaan hubinta imtixaanka wuxuuna sheegay in lasoo gabagabayn doono bisha 8aad dhexdeeda ee soo socata goortaas oo si rasmi ah loogu dhawaaqayo natiijada imtixaanka.

Maxamed Maxamud Siciid( Caynse) ayaa sidoo kale sheegay in Sanadkaan 256 Macalin saxaayaan imtixaanka Dugsiyadda dhaxe Puntland ee Fasalka 8aad iyo Shaqaaalaha Xafiiska Imtixaamadka.

Macalimiinta saxayaasha ah ayaa isku jira 200 Saxayaal, 40 Horjooge iyo 16 hubiye.

Caynsane ayaa sidoo kale sheegay in uu ku kalsoonayahay Macalimiintiisa imtixaanka saxaysa kuna faraxsanayahay Shaqada uma doodda u hayaan.

Agaasimaha Waaxda Imtixaamadka Axmed Maxamud Warsame( Axmed Saahid) ayaa dar daaran u jeediyay macallimiinta imtixaanka saxaya ayaa u sheegay macallimiinta in ay alle ka baqaan oo aysan qofna u eexan kana shaqeyaan horumarka ardayda Puntland ee Soomaaliyeed.

Agaasima Waaxda imtixaanka ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ay ahmiyadda koowaad ay siineyso sidii loo heli lahaa arday aqoon iyo qibrad u leh in ay dalka waxbadan ku soo kordhiyaan.

Waxaan kula dardaarmay in ay masuuliyadda culus ee lagu aaminay ay u gutaan si wadaniyad, waalidnimo iyo alle kacabsi kujirto, si loo hubiyo ardayga wax bartay ee dadaalay iyo kan aan dadaalin.

Ardayda Imtixaanka Fasalka 8aad u fariisatay Sanadkaan ayaa ka badan tiradii sanadkii hore.

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Ardayd iyo macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka islamarkana loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Hoos ka Daawo sawiradda.
33

1

2

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

29

30

31

32

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top