Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada puntland oo u mahad celisay kormeerayaashi iyo ilaaliyaashii imtixaamdka shahaadiga Qaaday.

30/May/2015- Dib ayaa waxaa ugu soo laabatay Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare  kormeerayashii iyo ilaaliyashii iyagoo si geesinimo ku jirto shaqdoodii u soo gutay iyadoo u ahayd asbuucii kuluulaa inta imtixamadku socday puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland Masuuliyiinteeda kala duwan  ayaa  maanta aad ugu mahad celisay shaqada adag ay soo qabateen kormeeryashii iyo maclimiintii imtixamaadka Qaaday, waxayna ka warbixiyen Imtixaankii guud ee shahaadiga ahaa ee Puntland  waxaana uu sheegay in Imtixaanku uu ku soo dhamaaday si guul ah iyo nabad ah waxaana uu Imtixaanku ka dhacay 74 xaramudood dhamaan Puntland oo idil.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa sidookale  sheegay Imtixaanka dhamaantii uu ku soo xarooday xarunta dhexe ee Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada puntland ee Magaalada Garowe haatana lagu bilaabayo habaynta iyo sixitaanka Imtixaanka.

kormeerayashii iyo macalimiintii imatixamaadka qaaday ayaa oo ka waramayey caqabadaha soo wajahay mudadii Imtixaanka uu socday ayaa sheegay in ugu weynayd qaar kamida ardayda oo xanuunsatay waxaana uu sheegay in loo sameeyey xanaanayn gooni ah ayna ku guulaysteen in Imtixaankooda si wanaagsan ku dhamaystaan.

Waxaana si toos aha xogta la wadaagayey  Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare,Wasiir- ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Agaasimahaa guud ee Wasaarada Waxabarashada iyo Tacliinta sare iyo Agaasimahaa Waaxda imatixaamadka Axmed Maxamud Warsame.

Xafiiska imtixaamdka ayaa sheegay waxyaabaha ugu la yaabka badnaa ee ku arkeen Imtixaanka ay kamid ahayd Gabdho arday ahaa oo umulay intii aan Imtixaanku socday  waxaana uu sheegay xafiiska imtixaamku, in gabdhahaas Imtixaanka guryohooda loogu geeyey ayna galeen Imtixaanka,

Imtixaamad kuna Sanadka Aad u fududdaa.

Ugu Danbayntiina Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame ayaa guul iyo Natiijo wanaagsan u rajeeyey ardayda gashay Imtixaanka waxaana uu intaa sii raaciyey in Wasaaradu waxbarashadu ay kor u qaadi doonto waxbarashada ubadka Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa ku dadaashay in uusan Imtixaanka ka baaqan shaqsi kamid ah ardayda Puntland waxaana talaabadaasi lagu tilmaamay guusha ay Puntland ka gaartay waxbarashada iyo horumarka ay samaysay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Hoos ka Daawo Sawiradii Xog is waydaarsiga.

IMG_2341 IMG_2343 IMG_2344 IMG_2345 IMG_2347 IMG_2348 IMG_2349 IMG_2350 IMG_2351 IMG_2352 IMG_2353 IMG_2356

IMG_2357 IMG_2358 IMG_2359 IMG_2360 IMG_2361 IMG_2362 IMG_2363 IMG_2364 IMG_2365 IMG_2368 IMG_2369 IMG_2370 IMG_2376 IMG_2377 IMG_2386 IMG_2388

Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

By Deeq Maxamed Warsame.

Scroll to Top