Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland oo la wareegtay Iskuulka Xamdaan Bosaso.

30/08/2015,Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegtay Iskuulka Xamdaan Binu Raashid ee magaalada Boosaaso,kaasi oo ay maamulaysay Hay’adda Sheekh Xamdaan Binu Raashid ee dalka Imaaraatka Carabta.

Iskuulka ayaa markii hore wuxuu ku bixi jiray Manhaj Carabi oo Suudaani ah,hasa yeeshe Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ayaa  Manhajkii uu ku bixi jiray Iskuulka ku badashay Manhajka Wasaaaradda Waxbarashadda Puntland.

Wasaaradda Waxbarashadda ayaa maamulaha Iskuulka u magacowday Cabdulqaadir Maxamed Qorax,kaasi oo horay u ahaan jiray maamule ku xigeenka Iskuulka.

Munaasabad uu xilka kula wareegay maamulka cusub ee Iskuulka Xamdaan oo ka dhacday xarunta Iskuulka ee Boosaaso,ayaa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda Puntland oo ay ka mid yihiin; Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Axmed Maxamuud Warsame (Saahid), Agaasimaha Waaxda Tayeynta iyo Manaahijta Cabdulqaadir Yusuf Nuux , Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Bari Shamis Muuse Koonte iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Bari Shamis Muuse Shamis Muuse Koonte oo Daahfurtay Munaasabada ayaa sheegtay in Iskuulka Xamdaan uu ka mid yahay Iskuuladii ugu horeeyay ee laga hirgaliyay Boosaaso.

‘’Sheekh Xamdaan Binu Raashid wuxuu ka mid yahay 17 dugsi sare oo ka furan Gobolka Bari,khaasatan 14 ka furan magaalada Boosaaso,wuxuu ka mid yahay shantii dugsi ugu horeeyay ee laga furay Boosaaso’’Ayay tiri Shamis Muuse Koonte.

Maamulaha cusub ee Iskuulka Xamdaan Cabdulqaadir Maxamed Qorax ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay maamulkii hore ee Iskuulka Xamdaan oo uu sheegay inuu shaqo muhiim ah u qabtay Ummadda reer puntland.

‘’Waxaan aad ugu mahadcelinayaa maamulihii hore Dayid Cabdlla Abuubakar oo muddo 12-sano ah Iskuulka maamule ka ahaa,shaqadii wannaagsanayd ee naga dhaxaysay ILLAAHAY miisaanka xasanaadka ha ugu daro’’Ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Qorax.

Maamulihii hore Dayid Iskuulka Xamdaan Cabdalla Abuubakar ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xilka wareejiyo,wuxuu sheegay inuu soo dhowayn iyo qiimayn balaaran kala kulmay bulshada reer Puntland mudadii uu Iskuulka ka shaqaynayay.

Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Mudane Axmed Maxamuud Warsame ‘’Saahid’’ oo soo xiray Munaasabada,ayaa sheegay in Wasaaraddu ay isbadal ku samaysay Manhajkii uu ku bixi jiray Iskuulku,wuxuu balan qaaday in shaqaalaha ka hawlgalayay Iskuulka la siin doono Xuquuqda ay leeyihiin.

‘’Wax badan ayaa Iskuulka iska badalay,Manhajkii hore ee Iskuulka oo ku bixi jiray Manhaj carabi ah oo Suudaani ah,waxaan u wareegaya Manhajka Dugsiyadda sare ee Puntland ee ku baxa Luuqada Ingiriiska,shaqaalaha ka shaqaynayay Iskuulka waxaa la siinayaa xaqooda oo dhamaystiran’’Ayuu yiri Axmed Saahid.

Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Mudane Axmed Maxamuud Warsame ‘’Saahid’’ ayaa sheegay in Iskuulka Xamdaan uu shaqayn doono galinka hore iyo dambe ee maalintii,wuxuu hoosta ka xariiqay in galinka dambe uu noqon doono Digsi hoose,dhexe,halka galinka hore uu noqon doono Dugsi sare.

Wasaaradda Waxbarashadda Dawladda Puntland ayaa si habsami leh u wada dadaalka ay ku doonayso inay kor ugu qaado hormarka Waxbarashadda Puntland.

                                  Hoos ka Daawo sawiradda 

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15

By: Deeq Maxamed Warsame( Hurevov)

Scroll to Top