Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo bilowday sixitaanki imtixaanaadka fasaladda 8aad ee dugsiyadda dhaxe ee Puntland.

23/07/ 2016- Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare  ee dowladda Puntland  ayaa bilowday sixitaanka imtixaanaadka fasalka  8aad ee dugsiyada dhaxe ee Puntland oo la qabtay 21-kii bishii May ee lasoo dhaafay.

Imtixaanka ayaa loo xilsaaray ilaa 110 macalimiin ah oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland,sixitaanka imtixanka ayaa  si rasmi ah  maanta u bilowday.

Agaasinaha waaxda  imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamud Warsame ayaa  waxaa uu sheegay in uu sanadkan ka duwan yahay saxidisu sanadadii hore.

Madama xasuus gooniya nagu reebatay dhacdadii foosha xumayd  oo imtixaanka la jabsaday ee  Tuulada Qarxis ee hoos Tagta Degmada Eyl.

Agaasimaha ayaa sheegay inuu meel wanaagsan u marayo howsha sixitaanka islamarkaana ay si dhow ula socdaan hubinta imtixaanka wuxuuna sheegay in lasoo gaba gabayn doono bilowga bisha 8aad ee soo socata goortaas oo si rasmi ah loo shaacin doono  natiijada imtixaanka Fasalka 8aad.

Axmed Saahid ayaa sidoo kale sheegay in Sanadkaan 110 Macalin saxaayaan imtixaanka fasalka 8aad,  93 Saxayaal Macalin iyo 17 Horjooge iyo Todoba  hubiye.

Wuxuu Axmed Saahid sidoo kale  sheegay in uu ku kalsoonayahay Macalimiintiisa imtixaanka Saxda kuna faraxsanayahay Shaqada uma doodda u hayaan.

Sanadkaan Waxaa oo kale oo layaab noqotay inay saxayaan haween farabadan oo Macalimiin ah.

 

Hoos Ka Daawo Sawiradii Macalimiinta Imtixaanka Saxaya.

IMG_3537 IMG_3544 IMG_3546 IMG_3543 IMG_3556 IMG_3562 IMG_3566 IMG_3545 IMG_3569 IMG_3596 IMG_3598 IMG_3603 IMG_3537 IMG_3540 IMG_3542 IMG_3545 IMG_3547 IMG_3572 IMG_3569 IMG_3571 IMG_3583 IMG_3575 IMG_3574 IMG_3585 IMG_3591

 

IMG_3592 IMG_3599 IMG_3569 IMG_3582 IMG_3584 IMG_3585 IMG_3592 IMG_3600 IMG_3601 IMG_3571 IMG_3610 IMG_3609 IMG_3608 IMG_3602

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top